Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska 21-ka November iyo duruufaha bareyaasha Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanad walba waxay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda waxbarashadu xusaan maalinta macallinka oo ku beegan 21-ka November, waxaana dharaartaas loo asteeyay in lagu weyneeyo howsha baaxadda leh ee uu baruhu bulshada u hayo.

Ka sokow dhambaallada hambalyada ah iyo hadiyado kookooban oo ardayda ay wax u dhigaana ay guddoonsiiyaan maalintani bareyaasha Soomaaliyeed waxtar weyn uma laha, maxaa yeelay howsha culus ee ay hayaan iyo duruufaha ay la tiicayaan ayaan wax ka qabashadooda cidina xil iska saarin.

Inkastoo duruufaha iyo culaysyada dulqaadka u baahani ay dalkoo dhan ka jiraan, haddana macallimiinta waxaa u gaar ah dhowr caqabadood oo aan cidana la wadaagin.

Duruufaha ugaarka ah bareyaasha waxaa ugu horreeya xaquuqda ay helaan oo aad u yar, islamarkaana aan marnaba kordhin, si kasta oo goobta uu ka howlgalayo dhaqaalaha soo galayaahi u batona aan wax loogu darin.

Culaysyada kale ee bareyaasha haysta ayaa waxaa kamid ah ardaydii oo anshaxoodii iyo hab-dhaqankoodii is badeleen, wax u dhigistooduna ay dhibaato aan la dhayalsan karin ku noqatay macallimiinta iyo maamuleyaasha goobaha waxbarashada.

Dugsiyada dowladdu ay maamusho iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan wax badan kula duwanayn markii la eego culaysyada ay bareyaashu la kulmaan, waxayna xuska maalinta macallinku sanadkan ku soo beegantahay xilli ay boqolaal bareyaal Soomaaliyeed ah oo shaqada dowladda laga eryay ay jidadka caasimadda Muqdisho ku bannaan-baxayaan.

Si kastaba ha ahaatee duruufaha adag oo ay bareyaasha Soomaaliyeed ku shaqeeyaahi waa kuwo aan indhaha laga dadban karin, wax ka qabashadooduna waa layli horyaalla madaxda qaranka oo intooda badan bareyaal soo ahaan jirey, xog-ogaalna u ah caqabaha baaxadda leh ee macallimiinta Soomaaliyeed haysta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this