Deeq A. Posted yesterday at 06:00 AM Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Arbacadii shalay dowladda Soomaaliya ay hakad gelisay duulimaadyada garoonka degmada Doolow ee gobolka Gedo, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya Jubbaland. Diyaaradihii tegi jiray degmada Doolow oo hoostagta maamulka Jubbaland ayaa hakad ku jira shalay iyo maanta, waxayna arrintan ay saameyn ku yeelatay shacab fara badan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in hakinta duulimaayada degmada Doolow ay timid, kadib markii garoonka magaalaaasi dhowaan lagu xiray 6 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuna sii jeeday dhanka Ceelwaaq oo ay joogaan ciidanka dowladda. Xarigga saraakiisha ayaa waxaa ka dambeeyay guddoomiyaha degmada oo taabacsan maamul goboleedka Jubbaland oo uu xilligan khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda dhexe ayaa dooneyso inay isku ballaariso gobolka Gedo, si ula wareegto gacan ku hayntiisa, waxaaa taasi diidan Jubbaland. Arrintan waxaa ka horreysay dhaq-dhaqaaq kale oo laga dareemay degmada Ceelwaaq, kadib markii ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo fariisimo ka sameystay halkaasi. Joojinta duulimaadyada garoonka diyaaradaha Doolow ayaa waxaa walaac ku muujiyay dadka deegaanka, waxaana fashilmay dadaallo la doonayo in lagu qaado xayiraadaasi. Dhammaan tallbaalooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka maamulka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya, waxaana haatan Axmed Madoobe uu sii wataa qorshihiisa gaarka ah, isaga oo 25 bishan qabsan doono doorashada madaxweynaha.The post DF oo joojisay duulimaadyada magaalo hoostagta JUBBALAND appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites