Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho maanta ka dhaceysa Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
guddiga-doorashada-Jubbaland.jpg?fit=960

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socota qaban-qaabada doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada Jubbaland, taas oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka ay hadda ka socoto Kismaayo, waxaana aad loo adkeeyay amniga magaaladaasi.

Musharixiinta tartamaya ayaa la diiwaan-geliyay shalay, waxayna u badan yihiin xubno taabacsan madaxweynaha hadda talada haya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xildhibaannada cusub ayaa ka kooban illaa 75 xubnood oo ay dhowaan soo xuleen odayaasha dhaqanka ee beelaha Jubbaland, waxaana sidoo kale hadda guddoomiye KMG u ah Mudane Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo xalay kulan la yeeshay Axmed Madoobe.

Labada nin ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee doorashooyinka Jubaland.

Doorashada guddoonka ee maanta dhaceysa waxaa xigi doonto midda madaxtooyada oo iyana la qabanayo isla 25-ka bishaan Novermber, taas oo lagu wado in mar kale lagu soo doorto madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqa doorasho ee ka socda Jubbaland waxaa diidan dowladda dhexe oo horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada kasoo baxda, waxayna ku eedeysay Axmed Madoobe inuu doonayo inuu mar kale isku caana shubo hoggaanka Jubbaland.

The post Doorasho maanta ka dhaceysa Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this