Deeq A. Posted November 20, 2024 “Anigoo ah Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde, Marwadii Koowaad ee Madaxweynihii Afraad ee JSL, Kuna hadlaya guud ahaan afka qoyska, Geerida ku timid Madaxweyne Hore Marxuum Xaajigaygii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay ahayd mid xaq ah oo qalbiyadayada ku reebtay murugo iyo xanuun aad u badan. Waxaa god galay addoon adduunka korkiisa ahaa aabbe fiican, oday dhaqan, samo talis iyo addeege bulsho oo daacad ka ahaa gudashada xilka iyo xasanaada lagu aaminay. Waxaanu ku diirsanay oo aanu ku samirnay in markii sida rasmiga ahaa loo baahiyay in Rabbi oofsaday Madaxweynihii Hore ee JSL Marxuum Xaajigaygii Axmed Maxamed Siilaanyo aanu aragno sida aad noola qabsateen duruuftii adkayd ee uu lahaa warkaas dhiilada leh. Ugu horreyntii waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay Gudidii Qaran ee Aaska, waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa rafiiqiisii siyaasadda Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici, waxaan mahadnaq aan la koobi karin u dirayaa Madaxweynaha La Doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo guushii iyo dabaal dagiiisii uu xaqqa u lahaa geeridda darteed ka doorbiday duco aynu u ducaynayo Marxuum ka, waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Gudigii Aaska Qaran, Golayaasha Qaranka JSL Guurtida iyo Wakiilada, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa Culimadii, Bahdii Dhaqanka, iyo ciidanka Qaranka JSL qaybihiisa kala duwan. Waxaan mahadnaq iyo duco u dirayaa shacabkiisii uu hoggaamiyaha iyo Madaxweynaha u soo noqday ee dal iyo dibedd ba tacsida nagala soo waddaagay, waxaan u bogay una mahadnaqayaa kaalinta saxaafaddu ka qaadatay tebinta xogaha Aaska Qaran, Waxaan sidoo kale u mahaqnayaa dhammaan Shacabka Soomaali ee u soo duceeyay Xaajigaygii Rabbigu iga jeclaaday. Waxaan ka guddoomay Tacsida Qaran ee uu noo soo diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan u mahadnaqayaa dalka aynu jaarka nahay ee Dawladda Federaalka Ethopia, oo si mug iyo miisaan leh uga soo qayb galay Aaska Qaran una soo dirtay Aaska wefti sare. Waxaanu guddoonay dhambaalada Tacsida ee Dalalka Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland na la soo waddaageen, kuwaas oo ay Wakiilo ka ahaayeen Diplomaasiyiin. Ugu dambayntii waxaan dhammaantiin idin leeyahay Alle ha idin barakeeyo, waad noo hiiliseen ee idin ma hilmaami doono Insha Allah Maalmaha adag.” Qaran News Share this post Link to post Share on other sites