Sign in to follow this  
Jabhad

Warlord Dabageed back under Ethiopian cover:

Recommended Posts

Jabhad   

Wararka

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Baladwayne oo Bandow lagu soo rogey

25 Dec 25, 2006, 10:11

 

 

 

 

Magaalada Baladweyne ayaa lagu soo rogay maanta bandow habeenkii ah oo soconaya muddo sadex maalmood ah, waxaana bandowgaan soo rogay Yusuf Dabageed oo maanta ciidamda Ethiopia dib ugu soo celiyeen magaalada Baladweyne.

 

Yusuf Dabageed ayaa khudbo ay isugu soo baxeen dadwaynaha ku sheegay in maamulka isaga lagu wareejiyay magaaladana uu hada ka arimiyo.

 

Yusuf Dabageed ayaa uga digay dadweynaha in maanta wixii ka dambeeya lagu arki karin magaalada cid qori wadata oo aan ka ahayn sida uu sheegay ciidamada dowlada.

 

Gudoomiyihii hore ayaa sidoo kale u sheegay dadkii isugu soo baxey goobtaa in ay u fasaxanyihiin cunista qaadka isaga oo sheegey in dadka xornimadoodii dib loogu soo celiyay waa sida uu hadalka u dhigaye .

 

Ciidamada Ethiopia ayaa saakey aroornimadii kala wareegay magaalada Baladweyne Malishiyadka Maxaakiimta.

 

Dolwada Ethiopia ayaa u muuqata mid dib ugu celineysa Koonfurta Somalia dagaal ogayaashii looga soo adkaadey dagaaladii Muqdisho iyo gobolada ku hareeraysan.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this