Liibaan Posted September 28, 2009 Madaxweyne Shariif oo Ayaandaro iyo nasiib wanaag guri la degan Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa helay jaaniskii ugu wanaagsanaa ee hogaamiye soo mara taariikhda Somalia marka la eego taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka heysto,hadana marka dhinaca kale laga eego,wuxuu yahay nin Ayaandaran,oo kala aqoon Cadawgiisa iyo Saaxiibkiisa. Madaxweyne Shariif Ayaandarada laga tiiraanyooda ee heeysato waxay tahay:- Degmadda Aadan Yabaal iyo Ilaa degmadda Xamarweyne oo ah halka reerka uu ka dhashay ee ***** ****** degaan ahaan ugu nool yihiin waxaa heeysto Al-Shabaab,waana sababta ay beelaha Soomaaliyeed isu weeydiinayaan maxaa u sababa in Madaxweynaha waayo taageerada juffa hoosaadkiisa?maxaa yeelay beelaha kale ee Mudulood sida Waceysle waxay barqa qad degaanadooda ka xoreeyeen Al-Shabaab iyo Xisbul islaam. Madaxweyne Shariif oo dadkii ay isku xigeen sida Cabdi raxiim Ciisse Cadoow iyo C Mukhtaar Xabadi ay ka carareen marka xabada ku bilaabatay,wuxuu Madaxtooyada Somalia ka dhigay guri ay maamulaan beesha ***** ******,wuxuu si qabyaaladeeysan ugu wareejiyay min biloow ilaa dhamaad dad u dhashay beeshiisa. Waxaa xusid Mudan oo ceeb iyo weji gabax aan laga aamusi karina in xitaa tuuladii uu ku dhashay ee Mahadaay iyo degaanadii uu ku soo caanbaxay ee Jowhar iyo Sii Sii laga qabsaday oo ay ku jirto gacanta Al-Shabaab ama Xasan Dahir Aweys iyo Ahmed Godane. Waxyaabaha ceebta iyo taariikh xumida ee Madaxweyne Shariif karaamadiisa hoos u dhigay,kana aamusan yahay waxaa ka mida qiyaanadii lagu iibshay badda Somalia,heshiiskii lala galay Puntland iyo Wasiirka uu maalin walba gacanta ee heysto,Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku caam noqday hanti aruursi iyo qiyaano Qaran. Wasiirka Maaliyada lacag badan ayuu ku tagri falay,waxaana xusid mudan in Madaxweyne Shariif uusan marna kaalmo shaqsiyadeed ugu deeqin kumanaanka ku hoos nool geedaha ee guryahooda ka barakacay,.waxaana sidoo kale xusid mudan Ciidamadii u dagaal galay,qaarkoodna dhaawacan yihiin oo aan wax mushaara heeysan halka shan boqol oo Xildhibaan ay maalin walba iska biishaan dhaqaalaha dekadda iyo Airport-ka Mogadishu. Waxyaabaha laga xishooda ee ceebta Madaxweynaha waxay tahay iyadoo wixii laga rabo ay qasab tahay in loo maro Shariif Xasan Sheekh Aadan. Madaxweyne Shariif inkastoo uu yahay Madaxweynaha sharcigaa ee Somalia hadana marka la miisaamo maaha nin heer qaran,mana ahan nin heer qabiil,waxaa uu yahay nin isla weyn,jaanis fiicana heeysto,hadana la rumeeysan yahay inuu waqtigiisa idlaan doono isagoon ka faa’iideeysan. “Madaxweyne Shariif waxaa uu haystaa fursad aysan helin Madaxweynayaashii isaga ka horeeyya” sidaan waxaa ciwaan looga dhigay warbixin uu qoray Weriye ka tirsan Wargeyska New York times oo Madaxweynaha ku booqday Mogadishu. Wariye Jeffrey Gettleman oo ka tirsan Wargeyska New York Times dhawaan Madaxweyne Shariif ku wareystay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in Shariif uu heysto fursad ka wanaagsan midii ay heleen madaxweynayaashii isaga ka horeeyay, kuwaasi oo aaney dowladihii ay hoggaaminayeen aysan helin awood ay ku soo dhisi karaan dowlad macquul ah oo shaqeysa. Wariye Jeffrey Gettleman waxaa uu sheegay in sababta uu leeyahy in dowladdan ay ka fursad wanaagsan tahay dowladihii ka horreeyay ay tahay iyadoo ay madax ka yihiin dad aqoonyahanno ah oo qaarkood ay yihiin Somali-Americans, Somali-Europeans iyo Somali-Canadians, sidoo kalena ay dhaqaale gudaha iyo dibadda Somalia ka heleyso. Saxaafadda inkastoo ay arrimahaan oo dhan ka hadleeyso hadana Saraakiisha Ciidamadda dowlada ayaa qarkood ka caga jiidaya dagaalka,waxayna cuqdad ka qabaan sida ay ugu dagaalami karaan nin reerka uu ka dhashay ka heysan taageero,kuna faraxsan inuu Madaxweyne Qaran ahaado iyadoo uusan tegi Karin halkii uu ku dhashay ama siyaasada ka soo galay. Waa gar mudan in la garwaaqsado muuqaalka ku saabsan in Al-Shabaab ay ka arrimiyaan Degmada Aadan Yabaal ilaa Degmada Xamarweyne waxayna dadka karaamadooda ilaashado ku talinayaan inuu Madaxweyne iska rogo heeryada, oo xilka iska casilo ama beel hoosaadkiisa ka raadsado taageero wax ku oola maxaa yeelay beelaha **********,*** ,Shiikhaal iyo ********* ee dega gobolada dhexe sida Galgaduud,waxay awood Melleteri iskaga tureen maamuladii guracnaa ee Al-AShabaab,waxaana hada muuqato in degaanka Beledweyne oo dowlada hore looga taageerayay uu galay gacanta Xisbiga Xasan Dahir Aweys,taas oo noqoneyso qeyb muuqata oo ka mida dhaliilaha iyo fadhiidnimada Madaxweyne Shariif Quote Share this post Link to post Share on other sites