Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Ururka Xamaas oo la sheegay inay isaga tageen Qatar, ka dib markii ay dowladda dalkaasi ay qaaday tillaabo ku aaddan dagaalka Marinka Qasa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaasha ururka Xamaas ayaa la sheegay inay ka guureen dalka Qatar oo 10-kii sanoo la soo dhaafay xarun u ahaa, ka dib markii dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday inay hakisay dhexdhaxaadintii iyo dadaalkeedii ku aaddnaaa soo afjaridda dagaalka lagu hoobtay ee marinka Qasa.

Dowladda Qatar ayaa beenisay inay madaxda siyaasadda Xamaas ku wargelisay inay dalkeeda isaga baxaan, balse Xamaaas ayaa xaqiijisay in hoggaamiyaashoodu ay ka guureen magaalada Dooxa, ayagoo ka gaabsaday faahfaahinta halka ay u wareegeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha Xamaas ay saldhigan doonaan Turkiga oo todobaadyadii la soo dhaafay ay socdaallo ku tagayeen, balse wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ayaa beenisay jiritaanka xogtaas.

Qatar ayaa 10-kii sano ee loo dhaafay hormuud u ahayd taageerayaasha ugu waaweyn ee falastiiniyiinta, warbaahinta dalkaasina waxay ahayd isha ugu horraysa ee baahisa dhawaaqa dadka dhiban ee maamulka Israa’iil uu go’doominta iyo xasuuqa joogtada ah ku hayo.

Si kastaba ha ahaatee Qatar ayaa bilihii la soo dhaafay qeyb ka ahayd wada-hadal ay Mareykanka iyo Masar garqaadayaal kula ahaayeen oo ku saabsanaa xal u helidda dagaalka Qasa, dhowr wareeg oo mira-dhal noqday ayaana ka qabsoomay caasimadda Dooxa.

Hayeeshee Qatar ayaa dhowaan shaacisay inay joojisay kaalinteedii dhexdhaadinta Xamaas iyo Israa’iil, waxaana go’aankeeda loo arkaa mid salka ku haya culays siyaasadeed oo isbadelka Mareykanka ka dhacay iyo macangagnimada madaxda Israa’iil ay ugu horreeyaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this