Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansaxiyey Xeerka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta ansaxiyey xeer muhiim ah oo la xiriira Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda.

Xeerkan, oo muhiim u ah horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka, waxaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday 177 xildhibaan halka tiro yar oo kooban ay diideen qaarna ay ka aamuseen.

Xeerkan cusub wuxuu tilmaamaya shuruucda iyo xeerarka lagu hagi doono ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Ujeedka ugu weyn ee xeerkan ayaa ah in la hubiyo in ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ay ku shaqeeyaan qaab hufan oo waafaqsan Dastuurka dalka.

Ansixinta xeerkan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka lagu xoojinayo habka doorashooyinka ee Soomaaliya, iyada oo la doonayo in dalka uu u gudbo nidaam axsaab badan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this