Sign in to follow this  
Deeq A.

Finland oo Hakisay Barnaamijkeedii Horumarinta ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Finland ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso barnaamijkeeda horumarinta ee Soomaaliya sida maanta lagu sheegay war kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta.

Finland ayaa sababta ku sheegtay in dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Finland ku sugan aan laga sameyn wax horumar ah taasina ay keentay in ay joojiyaan taageerada Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in iskaashiga dib-u-celinta iyo taageeridda nidaamka caalamiga ah ay yihiin shuruudo muhiim ah oo isku xiran, islaamarkaana dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay.

Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta, Ville Tavio, ayaa yiri: “ ilaa Inta aan horumar muuqda ka aragno wada shaqeynta dib-u-celinta, wax maalgelin cusub ah looma samayn doono barnaamijka Soomaaliya.”

Barnaamijkan ayaa si tartiib tartiib ah loo joojin doonaa si loo dhammeystiro mashruucyada hadda socda. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka hakinta ma saameynayo gargaarka bini’aadantinimada, ururada bulshada rayidka ah, iyo taageerada ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Dowladda Finland waxay sheegtay in haddii horumar laga sameeyo xalalka waara ee dib-u-celinta, barnaamijka dib loo bilaabi karo. Sanadka 2025, Finland waxay u qorsheysay €8–9 milyan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa sii wadi doonta wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha si loo xoojiyo wada xaajoodka ku saabsan dib-u-celinta.

Waxaa kaloo jira wada hadallo u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya oo ku saabsan maaraynta socdaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay in ay diyaar u tahay in ay la xaajooto dowladda Finland si mashruucaan muhiimka ah loo sii waddo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this