Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Markab kale u soo diray Somalia iyo safiirka oo ku soo dhaweeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Safiirka-Turkiga.webp?fit=800%2C600&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab kale oo dowladda Turkiga ay leedahay ayaa manta ku soo xirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, sida ay shaacisay saraafadda Turkiga ee Muqdisho.

Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa maanta booqday Markabka TCG Ütğm oo ku soo xirtay dekadda magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaasi oo ka yimid dalka Turkiga

“Waxaan booqanay markab TCG Ütğm. Arif Ekmekçi oo ku xirnaa Dekedda Muqdisho, taasoo qayb ka ah hawsha uu ku caawinayo markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel ee baaritaanka kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan u rajeyneynaa guul howshan iyo dhammaan hawlaha mustaqbalka,” qoraalkaan ayaa lagu daabacay barta Facebook ee safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Ma jirin faahfaafin dheeraad ah oo laga bixiyey markabkan, shaqada uu qabanayo, qorshaha safarkiisa Soomaaliya iyo meelaha uu tagayo, toona.

Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo Turkiga u ogolaanaya inay xeebaha Soomaaliya ka sameeyaan baaritaan shidaal.

Shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga ayaa la siiyey qandaraas 3 aag ah oo shidaalka Soomaaliya qoditaankiisa bilow u ah.

Aagaggaan shatiga loo heysto ayaa laga sameyn doonaa sahano, cabbirka goobahaan ayaa lagu sheegay qiyaastii 5,000-KM oo laba jibbaaran iyo 1,930 mayl oo laba jibbaaran, natiijada hordhaca ah oo maalmahaan ay hadal heyso warbaahinta caalamka ayaa muujineysa in Soomaaliya ay ku jirto 10 dal ee ugu keydka shidaalka badan caalamka.

The post Turkiga oo Markab kale u soo diray Somalia iyo safiirka oo ku soo dhaweeyey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this