Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1732092968701.jpg?resize=720%2C40

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Saaka fadhi wadajir ah ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda sida uu shaaciyay Guddoonka Labada Aqal.

Xildhibaanada soo xaadiray Fadhigii Saaka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkani waxaana ogolaatay 177 mudane waxaana ka aamusay hal Xildhibaan islamarkaana ma jirin cid diiday ansixinta Xeerka sida ay sheegeen Guddoonka.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this