Showqi Posted May 15, 2010 Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyada ayaa xiligan waxaa dakada Muqdisho ugu xeran Laba Markab oo Sokor iyo Bagaash wada. Sida Bartamaha.Com uu u sheegay mid ka mida Xoghaynada Maareeyaha Dakada Muqdisho waxaa Dakadaasi ku xeran Laba Markab oo wada sida Bagaash iyo Sokor oo ay kala leeyihiin Lada Shariif. Labada Shariif oo ah ragga isugu dhow Siyaasad ahaan Dowlada KMG ah ayaa waxa ay xiligan isku badaleen Ganacsato iyagoo soo rartay Maraakiib aad u waaweyn oo haatan Dakeda Muqdisho ku xeran. Labada Markab oo haatan dajin ay ku socoto ayaa la xaqiijiyay in midka ugu weyn islamarkaana wada Bagaash iyo Sokor badan uu leeyahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Wasiirka Maaliyada ahna Ganacsade haatan si weyn u soo muuqday. Markabka kale oo Wada Gabaash badan oo u badan nuucyada Cabitaanka iyo Sokon aad u badan ayaa waxaa la sheegay in uu u raranyahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo wakiishay nin ganacsade ah. Labada Masuul oo xiligan ganacsigooda la ogaaday ayaa waxa ay yihiin ragga gacanta ku haya Dowlada KMG ah islamarkaana aad moodo in ay yihiin labada masuul ee isugu dhow siyaasad ahaan. Labada Shariif oo xiligan Ganacsato isku sii badalaya ayaa waxa ay Sokorta iyo Bagaashka kula heshiiyeen ganacsato reer Muqdisho ah si ay u Iibiyaan iyadoo si toos ah Bakhaarada dakada loogu shubay ka dibna ay sii iibsanayaan ganacsatada Bakaaraha Gagaashka geysta. Waa arin aad ay ula yaabeen dad badan oo Muqdisho ku sugan markii ay maqleen Madaxweyne Shariif iyo Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan in ay noqdeen rag Ganacsato ah oo Xiligan Laba Markab ay Dekada ugu xeranyihiin. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted May 15, 2010 War nimanka soowtii lagu dhaariyey: in aanay dantooda khaaska ah ka hormarinin danta bulshada. Waa maxay iyada oo wali aan madaxnimadii laga qaadin ayayba ganacsato noqdeen :mad: :mad: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted May 15, 2010 ^ Wax kale meesha kuma hayaan, ee iska daa nimanka ha shaqeystaane. Ilaahay ha u barakeeyo beec-mushtarkooda! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted May 16, 2010 Bartamaha.com ma Amin Amir buu isu bedelay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 16, 2010 Of all the other business in the world ,,, ma bagaashlayaal bay ka doorteen ,,, But still, better than the pirates ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted May 17, 2010 Bayac-Mushtar ku lahaa ,,,, Buddy you are allowing greedy men to lead the country with corruption. Maaddeey, What do you mean by that? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted May 17, 2010 ^Waxaan u jeedaa: Waa waxba kama jiraan! adigu ma run bay kuula muuqataa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Showqi Posted May 17, 2010 Maaddeey, Maqaalkan aad ayuu iiga yaabiyey saaxiib. Cinwaankana xitaa waxaan ku daray Calaamad su'aal Quote Share this post Link to post Share on other sites