Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS oo Abaalmarisay Ciidanka Booliska Sierra Leone ee Ka Howlgala Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa abaalmariyay Ciidanka Booliska ee ka socda dalka Sierra Leone kuwaasoo ka qeyb qaatay sugitaanka Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay magaalada Kismaayo, gobolka Jubbada hoose, ayaa kulan sagootin iyo abaalmarin ah lagu guddoonsiisay 160 xubnood oo ka tirsan Booliska dalkaasi kuwaasoo hal sano ka soo shaqeeyay gudaha Soomaaliya.

“Waxaan ku faanaynaa dadaalkooda, iyaga oo abaalmarinno ku helay wada shaqeynta ay la yeesheen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, UN-ka, UNSOS, iyo maamulka Jubbaland. Waxay si heer sare ah uga soo baxeen waajibaadkooda, gaar ahaan taageerada ay siiyeen ATMIS IPOs iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku lahaayeen hawlgallada Booliska Soomaaliyeed.” ayuu yiri Taliyaha qeybta Lixaad ee Ciidanka ATMIS.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sierra Leone, ee ka howlgalayay Soomaaliya Samuel Abu Bakarr Kargbo, ayaa uga mahadceliyay saraakiisha xilka ka tagaya sida ay u taageereen xasilloonida iyo horumarka Jubaland.

“Waxaan saameyn muuqata ku yeelanay dadka Soomaaliyeed anaga oo kor u qaadnay amniga iyo taageeridda howlaha shaqo ee UN iyo ATMIS,” ayuu yiri SP Kargbo.

Intii ay ku guda jireen howlgalkooda, ciidamada booliska ka socday dalkaasi waxay ka taageereen Booliska Soomaaliyeed ilaalinta sharciga, ilaalinta madaxda sar-sare, sugidda goobaha dowliga ah, iyo xaqiijinta amniga munaasabadaha muhiimka ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this