Sign in to follow this  
Deeq A.

Muungaab oo ka hadlay doorashada baarlamaanka Jubaland, farriin culusna u diray DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Muungaab.jpg?fit=1225%2C852&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Muungaab ayaa qoraal ka soo saaray doorashada xildhibaanada Jubbaland oo maanta lasoo saaray liiskooda, wuxuuna garab istaagay go’aanka Jubbaland, isagoo farriin u diray madaxda dowladda federaalka.

Muungaab ayaa sheegay in Jubbaland ay ku saxan tahay go’aankeeda doorashada, isagoo yiri “Loo joojin mayo waxay dhashaa kuu joojin mayo.”

Muungaab ayaa madaxda DF ugu baaqay inay dhowraan dastuurka dalka oo ka tanaasulaan muddo kororsiga ay ku heshiiyeen, isla markaana ay ka waantoobaan farogelinta iyo car-qaladeynta doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalka Muungaab:

Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Baarlamaanka 3aad ee Dowladda Jubbaland oo Galabta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo.

Waa tallaabo wanaagsan oo Jubbaland ka ilaalineysa inay ku dhacdo Marnaasho (Firaaq) Dastuuri ah, sida uu dhigayo Dastuurka Jubbaland oo xaq u siinaya inay waqtigeeda ku qabsato Doorashadeeda.

Waxaan Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ku bogaadinayaa howsha ay qabteen, waxaana rajeynayaa Doorashada Jubbaland inay sidii loogu talogalay kusoo dhammaato nabadgelyo iyo xasilooni.

Madaxda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqayaa inay dhowraan Dastuurka Dalka, kana tanaasulaan inay muddo kordhin sharci darro ah u sameeyaan madaxda Maamul Goboleedyada waqtigu ka dhammaaday, isla markaana ay ka waantoobaan faragelinta iyo carqaladeynta joogtada ah ee ay ku haayaan Dowlad Goboleedyada doonaya inay qabsadaan Doorashooyinkooda.

“ LOO JOOJIN MAAYO WAXAY DHASHAA… KUU JOOJIN MAAYO, Liikiin Tan Jubbaland waa gar waafaqsan Dastuurka Dalka ee aan garab istaagno.”

 

The post Muungaab oo ka hadlay doorashada baarlamaanka Jubaland, farriin culusna u diray DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this