Sign in to follow this  
Cowke

Garowe: Puntland Student Graduate. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Xaflad Loo Dhigay Arday Ka Qalin Jebisay Dugsiga Alwaax ee Magaalada Garoowe (Sawiro)

 

June 27, 2010

 

Dufacadii 8-aad ee dugsiga hoose,dhexe iyo Sare ee Alwaax ayaa xaflad qalan jebin ah ku qabsaday Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe.

 

Xafladaan ayaa kasoo qaybgalay Wasiirka Maamul wanaaga Puntland,Duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi,masuuliyin ka socota Jaamacadaha magaalada Garoowe iyo dadweyne kale.

 

Duqa degmada Garoowe ayaa ugu horeyn furay xaflada,waxaana u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kasoo qaybgalo munaasabadaan ay dhigteen ardayda ka qalin jebisay dugsiga sare ee Alwaax,wuxuuna ku booriyey ardayda in ay waxbarashada sii wadaan aysana ka harin.

 

Maamulka dugsiga oo goobtaa ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga uu yahay midka ugu da’a weyn dugsiyada ku yaalla magaalada kasoo la furay burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.wuxuuna xusay in lagu barto luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.

 

 

Xaflada inta ay socotay ayaa ka hadlay masuuliyin kala gedisan oo ka socotay Jaamacadaha PSU,Bariga Africa iyo Jaamacada GTEC oo ku wada yaalla magaalada Garoowe,waxaana ay intooda badan ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay waxbarashada iyagoo dhiirageliyey ardayda qalin jebinaysay.

 

Abwaan Shube ayaa goobtaa kasoo jeediyey tix gabay ah ugu talagalay xaflada ay dhigteen ardayda kasoo baxday dugsiga sare ee Alwaax,waxaana uu gabaygiisa ku sheegay in dhalinyaradaan looga fadhiyo in ay bulshada ka dhex iftiimaan.

 

Wasiirka maamulka Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashan ayaa ugu dambeyntii halkaa ka hadlay,wuxuuna mahadcelin usoo jeediyey ardayda qalin jebinaysay isagoo ku baraarujiyey in ay halkaas kasii wadaan dadaalkooda isla markaana xoojiyaan waxbarashada.

 

Ardayda ka qalan jabinaysay Dugsiga Sare Alwaax ayaa ahaa arday dhan 60 Ruux kuwasoo ilaa iyo dugsiga hoose wax ka baranaayay dugsiga alwaax ee magaalada Garoowe.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe-Puntland

 

881.jpg

 

1113.jpg

 

99.jpg

 

552.jpg

 

662.jpg

 

771.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this