Deeq A. Posted November 19, 2024 Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan iyo xuduudaha doorashada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo la xiriira doorashada maamulkaas oo haatan si dardar leh ku socoto, iyada oo wlei halkiisii yahay khilaafka dowladda iyo Axmed Madoobe. Guddiga doorashada Jubbaland ayaa maanta shaaciyay liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada, kaas oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka maamulkaasi. Liiska la shaaciyay ayaa ka kooban illaa 75 xildhibaan, kuwaas oo soo dooran doono madaxweynaha Jubbaland oo loo balansan yahay 25-ka bishaan Novermber. Inta ugu badan xildhibaannada lasoo xulay ayaa ah baarlamaankii hore ee maamul goboleedka Jubbaland. Waa tallaabo kale oo uu Axmed Madoobe u qaaday doorashada dadban ee uu ku qabsanayo magaalada Kismaayo, oo haatan ay ka socoto diyaar garowgii u dambeeyay. Waxaa sidoo kale magaalada ku sugan musharixiinta mucaaradka oo iyagana diidan hannaanka uu wax ka wado madaxweynaha Jubbaland oo ay ku eedeeyn boob doorasho. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakiin arrinta ayaa muuqato mid kasii dareyso, maadaama ay doorashadan kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka loo jiheeyay doorashooyin qof iyo cod ah, sida ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo saddex maamul goboleed. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aanay aqbali doonin natiijada doorashada Jubbaland oo ay sheegtay inuu mar kale isku caana shubayo Axmed Madoobe. Hoos ka akhriso liiska xildhibaannada:- The post Liiska xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites