Sign in to follow this  
Cowke

Galkayo Implements Free Of Charge Education For Art Students

Recommended Posts

Cowke   

Gaalkacyo:Dugsiga GI oo Arday u bilaabay Mashruucyo waxbarasho oo lacag la'aan ah.

 

27. maj 2010

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dugsiga farasamada gacanta ee GI xaruntiisa magaalada Gaalkacyo ee xaruntqa gobolka Mudug ayaa maanta bilaabay Mashruucyo horleh oo ardayo loogu samaynayo Xirfado lacag la'aan ah,kuwaas oo ay ka faa'iidaysanayaan inkabadan 150-Arday oo Wiilal & gabdho isgujira.

 

Xaflad siweyn loosoo agaasimay oo kadhacday xarunta dugsiga ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay intabadan Ardayda waxka dhigata Dugisga GI & kuwo cusub oo hada kusoo biiraya,Waalidiin,Macalimiiinta,takhaatiir,Wariyeyaal & marti sharaf kale oo aad u badan.

 

Maamulaha Dugsiga GI Xasan Maxamed Cismaan ayaa hadal dheer oo kusaabsan taariikhda dugisgaas & waxyaabihii uusoo maray ka jeediyey,dabadeedna wuxuu sheegey inay maalinta Talaadada ah ee 1-da Bisha Lixaad ee sanadkan ay bilaabmi doonaan Duruus kale duwan oo ay macalimiinta dugisgaasi furi doonaan.

 

Maamuluhu wuxuu sheegey in Caafimaadka,Saxaafada & Wariyenimada,Xoghaynta & maamulida Xafiisyada iyo qeybo kale ay soo kordhiyeen,waxaana uu Waalidiinta ka codsaday inay buuxiyaan filal lasoo hordhigay oo laga qorayo waalidka ama Cida ka mas'uulka ah ardayga oo shuruudo badan looga baahan yahay,isagoo sheegey in aqoontan badankeeda aanan horay gaalkacyo looga bilaabin.

 

Prof,Maxamed Jaamac Salaad Madaxa caafimadkaa gobolka Mudug ayaa isna xafladaas ka hadlay,wuxuuna soo dhaweyey hor'umarka sii badanaya ee uu dugsigaasi wado,waxaana uu ugu baaqay in ardayda gobolka Mudug ay ka faa'iidaystaan Xirfadahaas si ay guul uga gaaraan aqoontooda.

 

Dugsiga farsamada gacanta ee GI ayaa horay wuxuu waday mashaariic kale oo ku saabsan xirfadaha waxay kawadeen magaalada Gaalkacyo,waxaana sanadkasta kasoo baxay Tobonaan arday ah oo baratay Xirfado kaladuwan oo ay ku shaqeysan karaan,Dugisan oo ay maalgaliso hay'ada Gothenburg oo laga leeyahay Wadanka Sweden ayaa kamid ah dugsiyo faro kutiris oo Gaalkacyo kajira kuwaas oo Waxbarasho lacag la'aan ah bixiya.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this