Sign in to follow this  
General Duke

Support for goverment growing in Mogadishu + Sudan Uganda+ Cade Muse hosts EU

Recommended Posts

Shir maanta ka dhacey Muqdisho oo lagu taageerey go’aankii Baarlamanka ee 11-ka Bishan.

 

Muqdisho-16.May.2005 Shir ku aadanaa sidii loo taageeri lahaa go’aankii Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya 11-kii bishan uu ka soo saarey Magaalada Nairobi ee ku aadanaa in Ciidamo ka socda Ugandha iyo Suudaan ay yimaadan wadanka, isla markaana Xukuumadu ay saldhig dhigato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

 

Kulankan oo lagu qabtey Guri ku yaal xaafada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galey in ka badan 100 xubnood waxayna si buuxda u taageereen in dalka la keeno ciidamado hubka ka dhiga Kooxaha maleeshiyaadka ee Soomaaliya ku kala firirsan, isla markaana Xukuumada ay ku soo laabato wadanka si ay hawlaha horyaal u bilowdo.

 

Xubnihii kulankaasi ka soo qayb galey ayaa waxay isugu jireen Siyaasiyiin, Duqey xaga dhaqanka ah, Wakiilo matalayey Horseedayaasha Kooxaha ee ka soo jeeda Muqdisho ee qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi.

 

Axmed Maxamuud Xasan oo sheegay in uu yahay Wakiil ka socda Ra’isalwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Eng.Xuseen Maxamed Caydiid ayaa saxaafada u sheegay in ujeedada kulankaasi uu ahaa sidii Dawlada FKMG ah loogu taageeri lahaa in ay si nabad ah ugu soo laabato dalka.

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

amama.jpg

 

W/Gaashandhiga Ugandha & Suudaan oo ka wada hadlaya ciidamada ay keenayaan Soomaaliya

Khartuum-16.May.2005Wararka ka imaanaya Magaalada Khartuum ee Caasimada Wadanka Suudaan ayaa waxay sheegayaan in Wasiirada Gaashaandhiga ee Dalalka Suudaan iyo Ugandha ay magaalada Khartuum kaga wadahadlayaan xaalada Soomaaliya.

 

Wasiirka difaaca dalka Uganda Mr. Amama Mbabazi ayaa magaalada Khartoum ee xarunta Suudaan wuxuu wadahadal kula leeyahay ninka jagadiisa oo kale ka haya dalka Suudaan Gen.Bakri Xasan Saalax, waxaana kulanlooda uu ku aadan xaalada Soomaaliya gaar ahaan qorshaha ay ku doonayaan in ay Ciidamada labadaas wadan ay ku geynayaan Soomaaliya.

 

Amama Mbabazi ayaa intii uusan la kulmin Maj.Gen.Bakri Xasan Saalax wuxuu wadahadal la qaatay madaxwaynaha Suudaan Gen.Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaana laga wada Hadley xiriirka labada Wadan iyo amuuraha Xuduuda Ugandha iyo Suudaan, iyadoo labada Wadan ay inta badan dusha isaga tuuraan eedeymo xoogan oo mid kan kale ku sheego in uu taageero Kooxaha Mucaaradka ku ah xukuumadaha Al-Bashiir-ka Suudaan Musafeeniga Ugandha.

 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in haatan Labada Wasiir Difaac ay kulamadooda ku qaadaa dhigayaan hanaanka ugu haboon ee ciidamadooda ku keeni karaan Soomaliya, iyadoo labadaas wadan ciidamo ka socda oo gaaraya 1700 ay noqon doonaan ciidamada ugu horeeyey ee Midowga Afrika uu u qorsheeyey in la keeno Soomaaliya.

 

Ayaan Cabdi Xuseen

SBC Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khartoum: Wasiirada Difaaca dalalka Suudaan iyo Uganda oo Arimaha Soomaliya uga hadlaya Magaalada Khartoum

- Monday, May 16, 2005 at 16:26

 

Khartoum (AllPuntland)- Wasiirka difaaca dalka Uganda Mr. Amama Mbabazi ayaa magaalada Khartoum ee xarunta Suudaan kulan kula qaatay madaxwaynaha dalka Suudaan Gen: Cumar Xasan Al-Bashiir iyo wasiirka difaaca dalka Suudaan Maj: Gen: Bakri Xasan Saalax .

 

Masuuliyiinta dawaladaha Uganda iyo Suudaan ayaa isla soo qaadaya arimo ay kamid yihiin Ciidamada ay sida wadajirka ah ugaynayaan gudaha dalka Soomaaliya iyo waliba xiriirka u dhexeeya labada dal sidii loo sii xoojin lahaa.

 

Suudaan iyo Uganda ayaa labaduba dalka Soomaaliya u soo diraya min Hal Batalyan oo kamid ah Ciidamadooda hase ahaatee ay gadaal kataageerayan ciidamo ka socda ururka Midowga Afrika oo ka caawin doona dhinacyo kala duwan.

 

Marka uu ka dhammaado kulanka wadajirka ah ee ay yeelanayaan masuuliyiinta kala duwan ee Uganda iyo Suudaan waxaa kulan gaar ah yeelan doona , wasiirada difaaca dalalka Uganda iyo Suudaan ee kala ah;- Amama Mbabazi iyo Bakri Xasan Saalax.

 

Waxyaabaha ay kawada hadlayaan ayaa lagu sheegay sidii ay isaga kaashan lahaayeen inta ay hawsha ku jiraan macluumaadka la xiriira hawlgalka IGASOM ee ay wadaan .

 

Dhinaca kale Suudaan iyo Uganda waxay kawada xaajoonayaan wanaajinta xiriirka u dhexeeya , labada dawladood waxay wadaagaan xudduud aad u dheer ayagoo inta badan isku eedeeya inay malleeshiyaad dalalkooda dhibaateeya ay taageeraan.

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Madaxwaynaha Puntland oo kulan la qaatay Saraakiil kasocotay Midoga Yurub

- Monday, May 16, 2005 at 16:25

 

Boosaaso (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Maxamuud Muuse (Cadde) ayaa xarunta madaxtooyada gobolka Bari kulan kula yeeshay masuuliyiin kala duwan oo kasocday midowga Yurub oo magaalada Boosaaso Yimidday.

 

Kulanka madaxwaynaha iyo midowga yurub dhex maray ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa waxqabadka hay'aduhu ay kasameeyaan dawlad goboleedka Puntland.

 

Madaxwayne Cadde ayaa kulankan kasoo jeediyay warbixin dheer oo kusaabsan sida loogu baahanyahay in hay'aduhu ay wax qabad dhab ah muujiyaan. wuxu sheegay madaxwaynuhu sheegay inay jiraan hay'ado gar gaar oo hawshooda si hagaagasan u wata iyo hay'ado waxqabadkooda ku ekeeyay kormeero ay kusameeyaan gobollada Puntland.

 

Wuxuu ka hadlay in lafuliyo mashaariicda horumarineed ee horyaalla hay'adaha gargaarka , sidoo kalena midowga Yurub looga baahanyahay inay keento mashaariic horumarineed oo si rasmi ah wax ugu qaban kara bulshada reer Puntland.

 

Mud: Cadde Muuse Wuxuu sheegay in Midowga Yurub iyo hay'adaha gar gaarkaba uu si hufan oo dadaal ku jiro ula shaqayn doono si ay hawlohoodu si habsami leh ugu qabsoomaan.

 

Dhinaca midowga Yurub saraakiishii kasocotay ayaa dhinicoda ballan qaaday wax qabad iyo inay hay'adaha gar gaarka ku kantoroolaan hawsha ay qabanayaan..

 

CC.Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan ay maanta yeesheen Madaxwayne Cade iyo masuuliyin ka tirsan Midowga reer Yurub

Posted to the Web May 16, 18:42

 

 

Boosaaso:-Madaxwaynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Janaraal Cadde), oo ay waheliya an masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa maanta Madaxtooyada magaalada dekada ah ee Boosaaso, kula kulmay masuuliyiin ka socota Midowga reer Yurub, ku waa soo ay ka mid ahaayeen, Mr. Albert Fait oo ah xiriiriyaha xafiiska EC-da ee Puntland.

 

kulankaan ayaa labada dhinac ee Puntland iyo Midowga reer Yurub, waxaa looga wadahadlay, arimo muhiima oo ay ka mid yihiin, wax ka qabashada dhibaatada lixaadka leh ee soo gaadhay wadada Laamiga ah ee iksu xirta magaalooyinka waawayn ee Puntland, dhibaatadadii ka dhalatay badgariirkii bada hoosteeda ka dhacay ee Tsunami, Abaarihii dhawaan ku dhuftay gobolka iyo Barnaamijka Waxbarasho ee gobolka.

 

Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah, ayaa ka hadlay barnaamijka dawlada ee shanta sano ee soo socota, sida dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Isgaarsiinta, dayactirada wadooyinka, iyo dhisida garoomada diyaaradaha ee gobolada.

 

Inj.C/risaaq Burgal, Gudoomiyaha Hay’ada Fulinta NESHA ee maamulka Puntland u xilsaaray dayactirada Jidadka Puntland, ayaa si wayn uga hadlay dhibaatada lixaadka leh ee soo gaartay wadada Laamiga ah ee isku xirta magaaloyinka, Boosaaso iyo Garoowe, wuxuuna halksaasi ku soo bandhigay sawiro si cadaan ah uga turjumaya dhibaatada ba’an ee ay soo gaarsiiyeen wadada laamiga ah, roobab mahiigaan ah oo dhawaanahaan ka da’ay deegaamada Puntland.

 

Inj. Burgal wuxuu sheegay in hadaan si degdeg ah wax looga qaban dhibaatadada wadada inay ka sii darayso, ayna ku sigan karto in uu gabaabsi noqdo isku socodka gaadiidka ee gobolada Puntalnd.

 

Mr.Richard Hans, oo ah la taliyaha dhaqaalaha European Commission ee Soomaaliya, ayaa kulankii maanta ka sheegay in ay kula noqon doonaan madaxdooda sarsare, waxyaalihii ay kawada hadleen maamulka Puntland, uuna quudaraynayo in jawaab degdeg ah ay ka soo bixin doonaan dhammaan waxyaalihii labada dhinac ay ka wada hadleen iyako ahmiyad kala siin doona barnaamijkooda waxqabad.

 

Ugu dambayntii Madaxwayne Cadde Muuse, ayaa isagu si gaara ugu soo bandhigay Midowga Yurub, fikrad oranaysa in ay ka fuliyaan Puntland, Mashaariic wax ku ool ah oo la taaban karo, isagoo waliba tusaale siiyay oo yiri, waxaan codsanaynaa in aad samaysaan, hal Waddo ama hal garoon diyaaradeed, taas ayaa anaga dhaxal gal noo ah ayuu yiri Madaxwaynuhu.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this