Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada doorashada Somaliland oo lagu dhawaaqay – Yaa soo baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   
Logo_of_Somaliland_National_Electoral_Co

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay natiijada doorashadii Somaliland ka dhacday 13-kii bishaan.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhowaaqay in doorashadan looga adkaaday madaxweyne Biixi oo markale u tartamay kursiga, waxaana madaxweynaha Somaliland ku guuleystay musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Ciro iyo ku-xigeenkiisa ayaa musharaxa Kulmiye uga guuleystay ku dhowaad 200 kun, taas oo muujineysa sida shacabka reer Somaliland u naceen xukunka Muuse Biixi oo intii uu tallada hayay ku kacay gabood-falo sharci.

Cabdiraxmaan Ciro oo shacabka Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku doorteen ayaa haatan Somaliland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in tartanka xisbiyada ay kusoo baxeen Waddani, Kaah iyo Kulmiye, waxaana sidaas saaxada siyaasadda Somaliland uga baxay xisbiga Ucid oo asagu xajisan waayey booskiisa.

Natiijada doorashadan oo lasii saadaalinayay ayaa waxaa saameyn ku yeeshay tallaabooyinkii u dambeeyay ee xukuumadda Muuse Biixi ay qaaday, sida; heshiiskii badda iyo dagaalkii Laascaanood.

Hoggaanka cusub ee Somaliland ayaa waxaa horyaalla arrimo badan oo kamid tahay wax ka qabashada xaaladda nololeed ee deegaanka oo gaartay halkii u hooseysay kadib sicir bararka xarka goostay.

The post Natiijada doorashada Somaliland oo lagu dhawaaqay – Yaa soo baxay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this