Sign in to follow this  
General Duke

Puntland business deal with Saudi Arabia...

Recommended Posts

I guess the media will pick on this small but significent development, that will benefit the Somali livestock industry...

 

xoolo_geel.JPG

 

BOOSAASO : Sucuudiga oo 15,000 oo Neef 2-dii Usbuucba ka qaadanaya Puntland

Posted to the Web Apr 12, 17:34

 

 

Boosaaso:-Kulan ay maanta yeesheen koox Suciidiyaan ah oo beryahaan ku sugnaa Puntland oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta lagu kala magacaabo Walid Ayaas iyo Yuusuf Nuur Xasan iyo Maamulka Rugta gacsniga Puntland , ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo muhiima oo uu ka mid yahay in 2-dii Usbuuc oo kasta Sucuudigu ka qaato Puntland 15000 Neef.

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamed C/laahi Yuusuf (Cur-curo ) ayaa sheegay in ay Kooxdan Sucuudiga ah ay isla garteen in lacagta Xoolaha ay qaadanayaan lagu bixiyo Magaalada Dekada ah ee Boosaaso , iyadoo la isticmaalayo nidaamka LC-ga.

 

In magaalooyinka waawayn ee Puntland laga furo meelo lagu baaro caafimaadka Xoolaha si loo ogaadio kuwa xanuusan.

 

Nidaamkan iyo heshiiskan maanta la kala saxiixday ayaa faa’iido wayn u yeelan doona kobaca dhaqaale ee Puntland , iyadoo ay baaqan doonto khasaarooyin badan oo ka imaan jiray xoolaha oo la iska dhoofiyo iyadoo aan wax suuqa loo hayn.

 

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sucuudiga oo qaadanaya xoolaha nool ee Puntland

Boosaaso- 12.April.2006 Waxaa maanta shir ku yeeshay xarinta Rugta ganansiga ee magaalada Boosaaso madaxda rugtaasiiyo Ganacsato Sacudiyaan ah

 

oo ka socda shirkad wadanka sacudiga laga leeyahay oo lagu magacaabo shirkada xoolaha iyo hilibka ee Carabta.

 

Shirkaasi ayaa waxaa looga wadahadlay sidii xoolaha Soomaalida gaar ahaan kuwa Deegaanada Puntland ee Somaliyeed ay u noqon lahaayeen kuwo tayo iyo caafimaadba leh taasi oo suurt galin karta in ay shirkadaasi qadato inka badan 15000 oo xoolaha Deegaanada Puntland.

 

Shirkaasi ayaa dhinaca DGPL waxaa ug qayb galay

1. Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Max’ed C/laahi Yuusuf (Cur-Curo)

2. Xoghayaha Rugta Ganacsiga Ciise Maxamed Ciise

3. Kuxigeenka Xogyaha Guud C/qaadir Max’ed Cismaan

4. Gudoomiyaha gudiga xoolo dhoofinta Mahad Siciid Mahamed

5. Agaasimah waaxda Ganacsiga Siciid Nuur Max’ud iyo xubno kale.

 

Dhanka Shirkada Sucuudiyaanka ah waxaa ka socdey

 

1. Walid ayaas

2. Yuusuf Nuur Xasan

 

Gaba gabadii shirkaasi ayaa waxay labada dhinac isku afagarten qodobo dhowr, iyadoo Gudomiyaha rugta ganacsiga dawlad goboleedka Puntland Maxamed C/laahi Yuusuf oo aan wax wax kawaydiinay qodobada ay labada dhinac isku afgarteen ayuu sheegay in si fiican la isugu afgartey dhamaan waxyaabihii looga wadahadley, iyadoo shirkadu ay cadeysey inay ku qanacsadey warbixinadii laga siiyey xoolaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Puntland, isla markaana bil kasta ay qaadan 15 kun oo neef.

 

Shirkadan Sucuudiyaanka ah ayaa waxaa madaxdii ka socotey ay tubaaxeen in ay ka sameyn doonaan magaalada Boosaaso goob lagu baaro caafimaadka xcolaha, iyadoo sidoo kale shirkadu ogolaatey in wixii lacag ah ee xoolaha lagu kala gato ay lacagta ku bixiyaan magaalada Boosaaso, taasina loo adeegsan doono nidaam LC oo bangi.

 

Shirkadu waxay sidoo kale la imaanaysaa gaadiidkii ay ku qaadan lahayed xoolaha.

 

Hadii heshiiskan ay gaareen madaxda rugta ganacsiga ee DGPL iyo madaxdaasi ka socotey shirkaada laga leeyahay wadanka Sacudiga uu hirgalo waxay noqonaysaa talaabo fa’ido weyn u leh dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa DGPL oo dhaqalaha ugu badani uu ka soo galo dhoofka xoolaha nool.

 

 

Axmed Max'ed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heshiis dhoofinta xoolaha ah oo dhexmaray Puntland iyo shirkad Sucuudi ah

Last Updated::2006-04-12 21:09:36 E. Africa Standard Time

 

Bosaso:- Heshiis maanta ka dhacay Rugta Ganacsiga ee Puntland ee Bosaso ayey shirkad Sucuudi ah ku sheegtay in ay qaadan Doonto Xoolaha nool ee Soomaaliya.

 

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiinta xarunta Rugta Ganacsiga Puntland ee magaalada Bosaaso iyo wafdi ka socda Shirkada Ganacsiga Xoolaha iyo Hilibka oo laga leeyahay dalka Sucuudiga.

 

Heshiis ay maanta wada gaareen Rugta Ganacsiga ee Puntland iyo shirkadan Sucuudiga ah ayaa lagu sheegay in shirkadan ay maal gashi ku sameyn doonto Puntland.

 

Shirkadan sucuudiga ah ayaa lagu wadaa in ay ka sameyso Puntland goobo lagu baaro caafimaadka Xoolaha.

 

Sidoo kale shirkadan ayaa heshiis kula gashay Puntland in ay qaadan doonto xoolo gaaraya 15 kun oo Neef bishiiba.

 

Shirkadan ayaa sidoo kale adeegsan doonta qaabka lacag bixinta ee LC-ga, ayadoo lacagta la dhigi doono magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

 

Heshiiskan ayaa ah mid ahmiyad gaar ah u leh Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya, maadaama xoolaha nool oo la dhoofiyo ay yihiin laf dhabarta dakhliga soo gala dalka.

 

Waxaa sidoo kale horumar weyn ah in la helo xarun lagu baaro caafimaadka Xoolaha taasi oo aqoonsi ka heysata dalalka Carabta.

 

Dowlada Puntland ayaa horey heshiis kan lamid ah oo dhinaca ganacsiga iyo istimaalka systemka LC-ga ah lasoo gashay Dowlada Yemen oo ay dhawaan safar ku tageen wafdi balaaran oo ka socda Puntland oo uu hogaaminayey Madaxweyne Cadde Musse.

 

Wafdiga ka yimid Sucuudiga oo todobaadkan ku sugnaa magaalada Bosaaso, ayaa shalay kormeer kusoo maray Suuqyada Xoolaha ee kala duwan ee ku yaal Bosaaso.

 

Waxay sidoo kale soo booqdeen dekkada Bosaaso oo ah halka laga dhoofin doono xoolaha.

 

Wafdigan ayaa si weyn ugu riyaaqay ganacsiga ka socda Puntland iyo dhinaca amniga oo ay sheegeen inuu yahay mid ay ku kalsoon yihiin.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this