Deeq A. Posted Tuesday at 06:11 AM Natiijada doorashada Soomaaliland ayaa lagu dhwaaqay, waxayna guddiga doorashadu sheegeen in murashaxa xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro uu ku guulaystay xilka Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro oo helay codadkii ugu badnaa ee doorashada, wuxuuna helay boqolkiiba 63 codadkii la tiriyay, halka xisbiga kulmiye ee hadda talada hayaahi uu helay 34.81 boqolkiiba, taas oo ka dhigan in codad aqlabiyad ah uu kaga adkaaday madaxweynaha talada haya muuse Biixi Cabdi oo muddo 7 sano ah hoggaaminayay Soomaaliland. Madaxda Soomaalida ayaa dhambaallo hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliland, ayagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan. Cabdiraxmaan ayaa noqanaya madaxweynaha 6 sanaad ee Soomaaliland, asagoo hoggaamin doona 5-ta sano ee soo socata. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites