Deeq A. Posted November 19, 2024 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cigaal oo loo yaqaanno “Cabdiraxmaan Cirro” wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa 29-kii bishii Abriil sanadkii 1955, waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay magaalooyinka Barbera, Hargeysa , Burco, iyo Sheekh. Wuxuu dugsiga sare ka baxay sanadkii 1977-kii, ka dibna wuxuu ku biiray shaqadii qaranka, asagoo macallin ka noqday dugsi ku yaalla magaalada Oodweyne ee gobolka Togdheer. Wuxuu muddo kooban ka shaqeeyay hay’addii Danwaagaha oo ka shaqaynaysay dib u dejinta dadkii ay saamaysay abaartii “Daba-dheer”, sidoo kale wuxuu xilligaa cilmiga account-ga ka bartay, islamarkaana shahaaddada koobaad ka qaatay machad la oran jirey SODEM oo muqdisho xarun ku lahaa. Shahaadadiisa heerka labaad wuxuu ku qaatay jaamacadda Newyork university ee dalka Mareykanka, asagoo bartay cilmiga maamulka iyo ganacsiga. Sanadkii 1981-kii wuxuu ku biiray wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, waxaana loo magacaabay ku xegeenka danjiraha Soomaaliya ee midowgii Soofiyeeti, asagoo magaalada Moosko ka shaqaynayay 1988-1996-dii. Intaa ka dib wuxuu u guuray dalka Filand, wuxuuna Soomaaliland dib ugu soo laabtay sanadkii 1999, asagoo Soomaaliland ka soo qabtay xilal uu kamid ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada.Cabdiraxmaan cirro waa aabaha 5 carruur ah oo dhammaantood wiilal ah, aabihiisna wuxuu muddo dheer ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya, ugu dambayna 13-kii November 2024 ayaa loo doortay Madaxweynaha Soomaaliland. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites