Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ku baaqay in la kordhiyo Gargaarka Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
un-security-council-meeting-room.jpg?res

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ayaa codsaday in si degdeg ah loo kordhiyo gargaarka la siinayo rayidka Falastiiniyiinta ee ku sugan Gaza, iyagoo ka digay in xaaladda bini’aadantinimo ee halkaas ka jirta ay ka sii dareeyso.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay, in si weeyn kor loogu qaado gargaarka Gaza, halkaasoo inta badan 2.3 milyan oo deganaa ay barakaceen , taasoo ay uga sii dareen dhibaatooyinka bini’aadanimo.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa uga digay Turkiga Isniintii inuu martigeliyo hoggaanka ururka Hamas oo uu Mareykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso.

Warbixino dhoowr ah ayaa ay tabiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay, in xubno sare oo ka tirsan hoggaanka Hamas ee ka baxsan Gaza ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen Turkiga ka dib markii laga codsaday inay ka baxaan Qatar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Matthew Miller, ayaa sheegay in aanu taagneeyn meel uu uga hadlo warbixinnadaasi, isaga oo u deeynaya in ay ka hadlaan dawladaha ay khuuseeyso.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo ku baaqay in la kordhiyo Gargaarka Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this