Deeq A. Posted Monday at 04:00 AM Beirut (Caasimada Online) – Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof. Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Isra’il. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn GazaThe post Israel oo dishay afhayeenkii kooxda Xisbullah appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites