Deeq A. Posted November 18, 2024 Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka oo illaa 7 KM u jira magaalada Afgooye. Ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo kamid ahaa rakaabkii la socday baabuurka, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre. Dadka dhintay ayaa kala ahaa gabar dhaqtarad ah iyo gabar yar oo ay dhashay iyo darawalkii gaariga, halka qofka dhaawacmay uu yahay wiil dhalinyaro ah oo la geeyay degmada Afgooye. “Nabad-diidka ayaa qarxiyay gaari ay la socdeen dad shacab ah waxaa ku dhintay gabar dhaqtara ah iyo gabar yar oo ay dhashay iyo darawalkii gaariga ayaa ku geeriyooday” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gaariga waxa uu kasoo baxay degmada Wanlaweyne, waxayna kusoo socdeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose”. Xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo geerida ka dhalatay qaraxan ay saameysay ehellada dadka shacabka ah ee lagu beegsaday weerarkaasi miino. Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka.The post Gaari ay la socdeen SHACAB oo lagu qarxiyay SH/HOOSE appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites