Sign in to follow this  
Deeq A.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
macawiisley-dagaal.jpg?fit=660%2C396&ssl

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Hilowle Gaab ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday koontarool ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah.

Saraakiil u hadashay ciidamada deegaanka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ayna kasoo furteen iyo hub saanad.

Sidoo kale Macawiisleyda ayaa muddo kooban la wareegtay fadhigii Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen goobta la weeraray.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee ka dhacay Hilowle Gaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Gobolkan oo intiisa badan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa waxaa weli kasii soconayo guluf ka dhan ah deegaannada kooban ee ay weli ka joogaan gobolkaasi.

The post Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this