General Duke Posted August 29, 2007 Ciidamada amaanka qaranka oo billaabay xeelad cusub oo ay argagixisada kula dagaalamayaan. Ciidamad amaanka qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale oo Muqdisho ah ayaa bilaabay xeelado cusub oo ay kula dagaalamayaan argagixisada iyo kooxaha qarandiidka,taasoo islamarkiiba guulo wax ku ool ah laga gaaray. Ciidamad amaanka qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale oo Muqdisho ah ayaa bilaabay xeelado cusub oo ay kula dagaalamayaan argagixisada iyo kooxaha qarandiidka,taasoo islamarkiiba guulo wax ku ool ah laga gaaray. Ciidamada amaanka ayaa bilaabay in ay soo xirtaan dhar Cad oo ay wareegaan xaafadaha iyagoo ku hubeysan bistoolado,waxaana ay sidaa shalay oo keliya ku dileen in ka badan 10 qaran diid oo iyaguna watay bistoolado iyo bam gacmeedyo ay doonayeen in ay dadka rayidka ah ku laayaan. Xeeladan cusub ee ciidanka amaanka qaranku adeegsanayaan ayaa waxaa ay tahay mid islamarkiiba horumarkeedu uu muuqanayo,soona de dejineysa jabka iyo halaagga ku dhacaya qarandiidka iyo argagixisada cadowga ku ah danaha umadda Soomaaliyeed. In badan oo ka mida Soomaalida nabadda iyo qaranimada jecel ayaa amaan ballaaran ujeediyay xeeladan cusub ee ciidanka amaanka qaranku bilaabeen in ay ku dhaqmaan. Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooiyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com [ August 29, 2007, 09:00 PM: Message edited by: The Duke ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Qrandiidyo xalay soo weeraray fariisinka ciidanka ee Warshaddii Barafuunka oo dhamantoodba laga dhigay wax la dilay iyo wax la qabtay. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhiya warshadii hore ee Barafuunka ayaa xalay adeegsaday xeelad cusub oo dagaal, taas oo horseed unoqotay in qarandiidyo weerar kusoo qaaday qaar la qabto qaarna meydadkoodii goobta la dhigo. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhiya warshadii hore ee Barafuunka ayaa xalay adeegsaday xeelad cusub oo dagaal, taas oo horseed unoqotay in qarandiidyo weerar kusoo qaaday qaar la qabto qaarna meydadkoodii goobta la dhigo. Mid ka mida dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday sababo xagga amaanka ah awgood ayaa xafiiska warqabdka carmooyin.com ee Muqdisho u sheegay in ciidanku ay u galeen qarandiiyada wadadii ay ku baxsan lahayeen oo kaddibna ay kala jebiyeen. “Ciidamo ayaa u galay wadadii ay ku baxsan lahaayeen,markii ay soo gudbayeena lama hadlin oo way ka gaabsdeen ismana aanay tusin,hase ahaatee markii ay xoogaa xabado ah rideen oo ay damceen in ay ku cararaan wadadii ay rabeen ayaa ciidanku ay rasaas afka ka geliyeen”ayuu yiri goob joogahan magaciisa ka gaabsaday. Waxaaa gob jooguhu uu intaa ku daray in qarandiiyada weerarka soo qaaday ay ahaayeen 14 nin oo 6 la dilay 8-dii kalana gacanta lagu dhigay,kuwas oo loo kexeeyay xabsiyada u gaarka ah qarandiidka iyo argagixisada lasoo qab qabto. Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooiyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Qrandiidyo xalay soo weeraray fariisinka ciidanka ee Warshaddii Barafuunka oo dhamantoodba laga dhigay wax la dilay iyo wax la qabtay. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhiya warshadii hore ee Barafuunka ayaa xalay adeegsaday xeelad cusub oo dagaal, taas oo horseed unoqotay in qarandiidyo weerar kusoo qaaday qaar la qabto qaarna meydadkoodii goobta la dhigo. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhiya warshadii hore ee Barafuunka ayaa xalay adeegsaday xeelad cusub oo dagaal, taas oo horseed unoqotay in qarandiidyo weerar kusoo qaaday qaar la qabto qaarna meydadkoodii goobta la dhigo. Mid ka mida dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday sababo xagga amaanka ah awgood ayaa xafiiska warqabdka carmooyin.com ee Muqdisho u sheegay in ciidanku ay u galeen qarandiiyada wadadii ay ku baxsan lahayeen oo kaddibna ay kala jebiyeen. “Ciidamo ayaa u galay wadadii ay ku baxsan lahaayeen,markii ay soo gudbayeena lama hadlin oo way ka gaabsdeen ismana aanay tusin,hase ahaatee markii ay xoogaa xabado ah rideen oo ay damceen in ay ku cararaan wadadii ay rabeen ayaa ciidanku ay rasaas afka ka geliyeen”ayuu yiri goob joogahan magaciisa ka gaabsaday. Waxaaa gob jooguhu uu intaa ku daray in qarandiiyada weerarka soo qaaday ay ahaayeen 14 nin oo 6 la dilay 8-dii kalana gacanta lagu dhigay,kuwas oo loo kexeeyay xabsiyada u gaarka ah qarandiidka iyo argagixisada lasoo qab qabto. Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:carmooiyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Muqdisho: G/Dhexe C/llaahi Bariise: “Howlgalada ciidamadu wey socon doonaan ilaa Boolisku uu ka qaato budkii uu caanka ku ahaa” 29. August 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaatay iney socon doonaan howlgalada ciidamada ilaa laga sugayo amaanka oo ay meelo xasiloon ka noqonayaan goobaha ay iminka ka jiraan rabshadaha. Madaxa howlgalada ciidamada Booliska Gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ay waajibaad ka saaran yahay Booliska sidii loo sugi lahaa amniga isla markaana loo heli lahaa nabadgelyo taasoo ay ku imaan karto marka shacbigu ay gacan ku siiyaan Booliska lana soo socod siiyaan meelaha ay ku gambanayaan kooxaha fidna wadayaasha. “Howlgalada ciidamada Boolisku wey soconayaan ilaa Boolisku ka qaato bud iyo firimbigii uu caanka ku ahaa, waayo Boolisku waa kii u adeegayey shacbiga, waana kuwo Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa shacbiga ku dhaqan deegaanada Huriwaa, SOS iyo Suuqa Xoolaha oo maalmahan ay ka jireen rabshadaha iney gacan ka geystaan howlaha nabad soo celinta, Booliskuna duulaan kuma aha shacbiga ee waa kuwo u socda sidii ay dadku ku heli lahaayeen nabadgelyo iyo hurdo” ayuu yiri Gdhexe Cabdullaahi Xasan Bariie. Madaxa hoggaanka howlgalada wuxuu kaloo intaa raaciyay in uu waajib ka saaran yahay dalka iyo dadka wixii dhibayana ay ka difaacayaan isla markaana ay ku fidi doonaan goob alla goobtii ay ka jirto xasilooni daro ayna ka sameysan doonaan saldhigyo ciidan. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Ciidamada Saldhigga Shibis Oo Toogtay Nin Bambaanooyin Ku Hubeysnaa Halka Ka qabteen Sedex Kale Oo Iyana Doonaya In Ay Weeraraan Saldhigga . Posted to the MOL August 28, 2007, 9:44 am Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka sladhigga degmada Shibis ay gacanta ku dhigeen rag ku hubeysnaa bambaanooyinka oo doonayay in ay weeraraan saldhiga . Warka Waxa uu intaa raacinayaa in mid kalana ay ciidanka meel fog ka toogteen , iyadoo meydakiisa uu in muddo maanta yiilay halkii lagu toogtay sida uu bogga u xaqiijiyay Mr Shaashaa oo ah ku xegeenka madaxa xariirka saxaafada iyo dadweyanaha ee booliska . Mr Shaashaa waxa uu intaa raaciyay in in raggaasi lala qabtay bambaanooyinkii ay wateen isla markaana ay yihiin kuwii hore u soo weeraray sladhigga . Waxaana haatan socda su`aalo la weydiinayo raggaasi oo aan boolisku faahfaahin magacyadooda ,iyadoo raggaasi la qabtay habeenkii xalay . Mana ah markii ugu horeeysay oo gacanta lagu dhigo rag isku dayaya in weeraro ay ka geeystaan saldhigyada magaalada , waxaana tani ay qeybka tahay talaabooyinka ay ciidanka dowlada ku sugayaan amaanka caasimaada . Waxa ayna saraakiisha ay sheegeen in saxaafada loo soo gudbinayo warbixino la xariira raggaasi habeenkii xalay lagu qabtay saldhiga degmada Shibis ee gobolka Banaadir. Waxaa sidoo kale saldhiga afar irdood shalay ciidamada Booliisku ku toogteen nin sidaan oo kale isna rabay inuu qarxiyo saldhiga booliiska. Waxaa isa soo taraya tayada booliiska Somaliyeed oo intooda badan ay hadda u dhamaadeen tababaro marba haddii aysan howl booliis oo la taaban karo wadanka ka jirin 17-kii sano ee u dambeysay. Cismaan Xasan Cali(Fantastic) Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Ciidamada Police-ka oo Toogasho ku dilay Labo qarandiid oo Caawa Bom Gacmeed ku soo Weeraray Saldhiga Degmada Hodan ee Muqdisho ( Police-ka oo sheegay in meydka labadan nin ay wali yaalan ) Sida uu goordhaweyd sheegay afhayeenka Policeka Ciidamada Police-ka ayaa toogasha ku dilay Laba Qarandiid oo Bam ku soo Weeraray Ciidamada halkaa ku jira. G/Sh/Dhexe C/Waaxid ayaa sheegay in meydka labadan Nin ay wali yaalaan ilinka Hore ee Saldhiga xiligaan , iyadoo Ciidamada Nabad sugida Saraakiil ka tirsan ay durna goobta gaareen. Maalmihii ugu danbeeyey ayaa Ciidamada Police-ka waxa ay toogasho ku hayeen Kooxaha Qarandiika ee soo Weerara , Waxaana horey loo toogtay ku dhawada 10 Qarandid oo saldhigyo Weerarayey. Xaalada Degmada Hodan oo ay Kooxahaan Caawa Weerareen ayaa Caadi ah , waxaana roonda wada Ciidamada Police-ka Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 29, 2007 Ciidamada Dawladda oo qabtay miinooyinka masaafada dheer laga hago Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta baaritaanno baaxad leh ka wada xaafadaha SOS iyo Suuqa Xoolaha iyadoo ciidanku uu gacanta ku soo dhigay labo kamid ah miinooyinka masaafada dheer laga hago. Xoogagga dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta lagu arkayey dhammaan isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo wada hawlo ammaanka lagu sugayo. Qabqabashada miinooyinka ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka ciidamada booliiska Cabdiwaaxid Xasan. Baaritaannada iyo hawlgallada ciidamada ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xalay magaalada Muqdisho lagu diley dhawr qof. Xasan Mutawakil SBC Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 30, 2007 G/Dhexe C/llaahi Bariise: ““Howlgalada ciidamada Boolisku wey soconayaan ilaa Boolisku ka qaato bud iyo firimbigii uu caanka ku ahaa,” { 29 Aug 2007} waxaa la daabacay Wed 29 Aug 2007 15: 03: 06 Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaatay iney socon doonaan howlgalada ciidamada ilaa laga sugayo amaanka oo ay meelo xasiloon ka noqonayaan goobaha ay iminka ka jiraan rabshadaha. Madaxa howlgalada ciidamada Booliska Gobolka Banaadir G/Dhexe Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in ay waajibaad ka saaran yahay Booliska sidii loo sugi lahaa amniga isla markaana loo heli lahaa nabadgelyo taasoo ay ku imaan karto marka shacbigu ay gacan ku siiyaan Booliska lana soo socod siiyaan meelaha ay ku gambanayaan kooxaha fidna wadayaasha. “Howlgalada ciidamada Boolisku wey soconayaan ilaa Boolisku ka qaato bud iyo firimbigii uu caanka ku ahaa, waayo Boolisku waa kii u adeegayey shacbiga, waana kuwo Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa shacbiga ku dhaqan deegaanada Huriwaa, SOS iyo Suuqa Xoolaha oo maalmahan ay ka jireen rabshadaha iney gacan ka geystaan howlaha nabad soo celinta, Booliskuna duulaan kuma aha shacbiga ee waa kuwo u socda sidii ay dadku ku heli lahaayeen nabadgelyo iyo hurdo” ayuu yiri Gdhexe Cabdullaahi Xasan Bariie. Madaxa hoggaanka howlgalada wuxuu kaloo intaa raaciyay in uu waajib ka saaran yahay dalka iyo dadka wixii dhibayana ay ka difaacayaan isla markaana ay ku fidi doonaan goob alla goobtii ay ka jirto xasilooni daro ayna ka sameysan doonaan saldhigyo ciidan. Gobolkabanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 30, 2007 Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Miino ka saaray Xaafado ay ka howlgaleen Arbaco, August 29, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay Miino ka saareen qeybo ka tirsan Wadada Warshadaha kadib markii ay Ciidamadu howlgallo ka sameeyeen xaafadaha u dhow Wadadaas. Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dadweyne degan halka Miinadaas lagu aasay ay Ciidamada Booliska ku soo wargeliyeen, kadibna ay sidaas ku suurtagashay in ay Miinadaas meesha ka saaraan. C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa intaas ku daray in ay Ciidamada Booliska sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa iyo weliba Suuqa Xoolaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay howlgalladaas ku soo qabqabteen Dad la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen Weerarro qaraxyo watay oo dhawaanahan lagu qaadayay fariisimo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Xaafado Degmada Heliwaa. Dhanka kalena, Afhayeenka Ciidamada Booliska waxaa uu sheegay in habeenkii xalay ahaa agagaarka Hotel Laf-weyn lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, balse ka howlgelayay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo caddeeyay in ay Askarigaas toogteen rag hubeysan oo markii ay dileen kadib baxsaday. Sidoo kalena, labo ruux oo rayid ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo labadaas ruux markii la dilayay loogu galay gurigooda, waa sida ay ku warameen dad goob-joog u ahaa dhacdadaas. Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo weliba saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dilalkaasna ay bilowdeen kadib markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites