Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay in ay Gacanta kusoo dhigtay xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Shabaab oo ka shaqeynayay sameynta iyo hubinta gaadiidka loo adeegsado qaraxyada.

Ninkani oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji), ayaa ahaa makaanik xirfadle ah oo xubin muhiim ah ka ahaa shabakadda qaraxyada iyo naftood-haligayaasha Shabaab.

Cabdinaasir Xaaji waxa uu u qaabilsanaa Shabaab cilad bixinta iyo hubinta gaadiidka kahor inta aan loo adeegsan falalka ismiidaaminta ah, isagoo si gaar ah ugu lug lahaa diyaarinta ilaa sagaal gaari oo loo isticmaalay weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Gaari Harrier ah oo dhowaan lagu qarxiyay hoteelka SYL ayaa ka mid ahaa gaadiidkii uu farsameeyay Cabdinaasir Xaaji, kaas oo deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri Ma Leedahay), oo hadda xukunsan sida ay sheegtay NISA.

NISA ayaa caddeysay inay ka go’an tahay ciribtirka dhammaan xubnaha Shabaab iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa fulinta falalka argagixisada, iyadoo xoogga la saarayo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed iyo xasilinta dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this