XOG-ogaal Posted April 8, 2007 Wararka ka imaanay xuduuda dagaal ee Itoobiya iyo Eritreya ayaa sheegaya in halkaas uu ka qarxay dagaal kulul maalinkii Jimcaha ahaa. Dagaanka Tsorona oo ay isku horfadhiyeen labada ciidan ayaa waxa ka dhacay dagaal culus oo aan wali la ogayn qasaarihiisu inta uu le'eg yahay. Dhamaan ciidamadii Itoobiya ka joogay xuduuda Eritreya ayaa loosoo qaaday gudaha Somaliya, mana jiraan ciidamo xoog leh oo Itoobiyan ah oo halkaas jooga. Dagaalkaan ayaa la isku adeegsaday madaafiicada goobta ee labada ciidan, Dowladda Maraykanka ayaa horay ugu hanjabtay dowladda Eritreya haddii ay isku daydo inay dib u qabsato dhulkeeda inta ciidamada Itoobiya ay ku maqan yihiin Somaliya. inkastoo maalintii saraakiil ka tirsan waaxda difaaca ee Ethiopia ay kala hadleen Mrs.Ferzer xaaladaha ku soo kordhay Soomaaliya iyo ereteya, Lama garan karo in dagaalka ay bilowday dowladda Eritreya oo ay iska dhagatirtay hanjabaada Maraykanka iyo in uu ahaa shil yar oo dhacay. Wixi warar ah ee kasoo kordha dagaalkaas kala socda bogaan Eritrea-Ethiopia Battle Resumes in Tsorona Quote Share this post Link to post Share on other sites