Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo saaka su’aalo weydiin ugu yeeray mas’uuliyiin wasaaradda Maaliyadda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731913375244.jpg?resize=720%2C60Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud

Fadhiga saaka ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo ballansan yahay in su’aalo lagu weydiiyo mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in fadhiga saaka loo ballansan yahay in ay golaha hor-yimaadaan mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Puntland si wax looga weydiiyo dhaqaalaha dalka.

“Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda, waxaana Golaha hor imanaya maanta; Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Baarlamaanka.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaalaha oo ay ku jiraan xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada in ay weydiiyaan  mas’uuliyiinta Maaliyadda oo uu ugu horreeyo wasiir Maxamed Faarax Maxamuud.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo saaka su’aalo weydiin ugu yeeray mas’uuliyiin wasaaradda Maaliyadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this