Saalax Posted November 6, 2010 Madaxda Maammulka iyo Ciidanka Qaranka JSL Ee Sanaag Oo Canbaareeyey Hadalkii Kasoo Yeedhay Madaxweynaha Puntland. CEERIGAABO(OWN) Badhsaabuxigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka gobolka Sanaag Muuse Jaamac (Delef) oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamnka qaranka ee fadhiyadoodu yihiin degaannada bariga sanaag ayaa shir jaraa’id oo subaxnimadii sabtida ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta maammulka gobolka Sanaag ee Ceerigaabo wxay waxba ama jiraan aan sal iyo raad toonna lahayn ku sheegeen hadalka dhowaan kazoo yeedhay madaxweynaha maammul-goboleedka Puntland oo waraysii uu siiyey idaacadda BBC qaybta Afsoomaaliga uu kku sheegay in ay wada shaqayn la leeyihiin islamarkaasna taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo ciidankaba siiyaan xoogagga uu hoggaamiyo Maxamed Sciid (Atam) ee ka dagallama degaannada buuraleyda Galgala sidoo kalena ay jiraan xubno firxad ciidammadaas ah oo dagaalkii dhex maray Puntland kaddib soo galay degaannada gobolka Sanaag. Waxayna mas’uuliyiintani shirkan jaraa’id ka sheegeen hadalka madaxweyne-Faroole kazoo yeedhay in uu salka ku hayo damaca siyaasadeed ee hanashada degaannada sanaag-bari iyo weliba waxa ay ku sheegeen dagaal mar kale ka cusboonaada macdanta ku duugan degaannadaas. “Gobolka Sanaag annagoo ah madaxdii maammulka iyo ciddammada qaranka ah waxannu maanta shirkan jaraa’id u qabannay in aannu kaga hadalno warka madaxweynaha Puntland bishan 4-teedii uu ka sheegay iyo hadalladiisii ay kamid ahayd ciidan firxad argagixiso ahi u sugan yihiin gobolkan iyo in saraakiishan dhinacayga fadhiya ee ciidammada qaranku taageero siiyaan oo aannu aad uga xumaannay “. Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Badhasaab kuxigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaas kusii daray “Gobolka Sanaag annaga ayaa ka madax ah oo joogna inta xuduuddeda ahna waannau ka war haynaa mana soo gelin marnaba wax ciidanka Atam ka tirsan mid firxad ah iyo ciidan kale toonna, isaga (Faroole) ayaana sheegi doona caddaynta warkaas”. “Saraakiishan ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag Col-Muuse Jaamac iyo Axmed Maxamed Cali iyo C/shakuur Cali Cige ee manta dhinacayga fadhiya oo uu Faroole yidhi ciidanka Atam ayay taageero iyo wada shaqayn la leeyihiin waxay ciidnkayaga qaranka gobolka Sanaag mana aha rag waxaas weligood galay ama ku lug yeeshay mana geyaan hadalladaas aadna waxan uga xumahay madaxweynaha Puntland in uu maanta saraakiishan Somaliland ka tirsan ee aanay shaqo isku lajayn kelmedahaas ku yidhaahdo waxannuna leenahay Madaxweyne-Faroole ka noqo hadallkaas”. Taliyaha ciidanka qaranka saldhigga 3-aad ee gobolka Sanaag Muuse Jaamac (Delef) oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Annagu waxannu nahay ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland waxannuna u dhisan nahay difaaca qarannimada iyo xuduudaha dalka mana jirto cid katirsan ciidammada Atam oo degaankaas ka jooga iyo wada shaqayn ama wax xidhiidh aannu la leenahay toonna, ciidanka ninkaasina (Atam) kama tirsana ciidanka qaranka, ka hor tagga argagixisadana mandaqadda ayaannu kala mid nahay mana oggolin in ay gobolkayaga iyo Somaliland toonna soo galaan, waxayse u muuqataa hadalka Madaxweyne-Faroole mid salka ku haya dagaal kazoo cusboonaada macdanta degaannadan ku duugan iyo in siyaasaddiisa maammul oo uu taageero uga waayey bulshada degaannadaas ku dhaqan uu fursad adeegsi ah uga jeedo”. “Saraakiisha uu maanta eedaynayona waa kuwii ay isku qabteen macdanta degaankan ku duugan ee dagaalku ka dhacay, markaa waxan leeyahay dagaalkii macdantu waa dhammaadaye yaanu nagula soo gal galan dhibaato dhexdiisa (Puntland) ka jirta, halka uu Faroole yidhi Dhahar ayay joogaan waxan leeyahay Dhahar waa degmo Somaliland ka tirsan dadka joogaana waa dadkii beeraleyda aahaa ee uu Galgala kazoo qaxiyey oo uu rabo mar kale in uu sii qaxiyo”. Dhinaca kalena inkastoo aanay afka ku dhufan haddana madaxda shirkan jaraa’id qabatay ayaa laga dareemayey saluugga debecsanaan ka muuqanaysey hadalkii Wasiirka Difaaca Somaliland arrintan kaga jawaabey. Oodweynenews/Ceerigaabo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 6, 2010 Well done ciidanka qaranka eeh gobolka sanaag. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted November 7, 2010 Muxuu yiri wasiirka difaaca, Mr. Cadami? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 7, 2010 Some websites were claiming the defence minister of JSL welcomed the plead from pland to help them fight against Atam on the border areas. However Cidaanka Somaliland ee Sanaag hit out on faroole for making up false accusations such as "Atam" has links with Cidaanka Sland ee Sanaag and his aided by them which holds no merit at all the pirate is confused and paranoid. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted November 7, 2010 Here is the video http://www.youtube.com/watch?v=h503R9IP0pY&feature=player_embedded Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted November 7, 2010 ^Meles Zenawi haloo sheego wax ONLF taageeraya meesha ma joogaan. I believe that was the whole plot of the military solution in Galgala just to reassure Zenawi that ONLF wasn't getting any arms shipment from Sanaag's natural ports (Remember the U.N Monitoring's report of 2006). What about Gen. Muse Jama Delaf of "Somaliland"? Is he with Faroole as well? Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted November 7, 2010 Xaaji, I see in that video, the well-known tactician Col. Jeenitaag dressed in Somaliland military uniform. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 7, 2010 Gen. Muse Jama Delaf is against both Faroole's false accusations and Atam entering the border areas he made it clear they will confront him if he tries to enter areas under Somaliland border & Control and their job is to protect the borders, sovereignty of Qaranka JSL and it's interests. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted November 7, 2010 I know Faroole is making false allegations against Gen. Muse Jama Dalaf and Col. Jeenitaag just because they share the same lineage with Attam. Isn't that guilt by association? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 7, 2010 Faroole is just being a tribalist at the end of the day i am not surprised. It's like those ridiclous news outlets who were saying a while back Ina Godane & the minister of religion Somaliland had links just because they happened to be from the same lineage. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted November 7, 2010 Originally posted by NASSIR: Meles Zenawi haloo sheego wax ONLF taageeraya meesha ma joogaan. I believe that was the whole plot of the military solution in Galgala just to reassure Zenawi that ONLF wasn't getting any arms shipment from Sanaag's natural ports (Remember the U.N Monitoring's report of 2006). Making sense of Galgala. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saymo Posted November 7, 2010 I think is entire beef of Farole come after some of his melitia tried to get in Dhahar, but the S/land army refused them to go inside the city. Pirate militia said that there are few people who help Atam financaily in Dhahar, and we want search thier homes, but the S/land army warn them if they dont leave within few minutes they will dissarm the P/land militia. Farole and his son -Garowe online started speculating that S/land helps Atam. Anyway, I think the Sanag administration did the right thing by holding this meeting. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted November 7, 2010 ^^^ Puntland should be banned from all of sanaag me thinks they bring nothing but bad news for the locals. Quote Share this post Link to post Share on other sites