Jacaylbaro Posted October 12, 2008 Bilayska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dad La Sheegay Inay Ka Mid Yihiin Budhcad Baddeeda Reer Puntland Hargeysa October 12, 2008-(Haatuf)-Ciidamada bilayska ee somaliland ayaa maalintii doraad magaalada Hargeysa waxa ay gacanta ku dhigeen dad la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin budhcad baddeeda reer Puntland, kuwaas oo la sheegay inay siteen lacag farabadan. Dadkan la qabtay oo ka koobnaa laba xubnood ayaa isla doraadba loo taxaabay xabsiga dhexe ee Hargeysa iyadoo lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin budhcad baddeeda reer Puntland ee afduubka u gaysta maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya, kuwaas oo sida la sheegay ay ciidamada ammaanku ku qabteen lacag fara badan oo aan ilaa hadda cadadkeeda la hayn, iyagoo somaliland ka soo galay xaga barriga. Ilo xogogaal ah ayaa Haatuf u sheegay in ciidamada sirdoonku ay ku raad joogeen ilaa markii ay ka soo talaabeen xadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Ma jiraan wax warar ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay qabashada dadkan lagu eedaynayo budhcad baddeednimada, Saldhiga dhexe oo ay imika ku xidhan yihiin ayaa mar aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno taliyaha saldhigaasi aanay noo suurto gelin.dhinaca kale taliyaha guud ee bilayska Somaliland Maxamed Saqadhi dubbad oo aanu isagana khadka tilifoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino arrintan ayaa isagana aanu khadka tilifoonka ku waynay. Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in labadan xubnood ee hadda la qabtay mooyaane ay jiraan kuwo kale oo bilaysku ku daba joogaan hase yeeshee waxa ilaa imika si rasmi ah loo ogyahay gacan ku haynta labadan xubnood oo ay bilaysku ku qabteen lacag qayrul caadi ah taas oo la sheegay in lacagtaasi ay ka heleen maraakiibtii ay afduubeen oo madax furasho laga siiyay. Ma aha markii koowaad ee ay xukuumadda Somaliland sheegto inay qabteen kooxo ka tirsan budhcad baddeeda Puntland oo lacag badan sita,Waxa ay ahayd badhtamihii sanadkan markii budhcad badeed reer Puntland ah lagu qabtay magaalada Wajaale kuwaas oo muddo dhowr bilood ah ku jiray saldhiga dhexe ee Hargeysa ugu dambayntiina lagu sii daayay cafis Madaxweyne iyadoon Maxkamad la soo taagin. Quote Share this post Link to post Share on other sites