Deeq A. Posted Sunday at 11:38 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka. Xilkan ayaa waxa uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay Axmed Maxamuud Muxumed, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ninkan oo ku-xigeen u noqonaya Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa waxay xafiiskan shaqadiisu tahay dardar-gelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha waddanka. Magacaabistan ayaa imanaysa xilli uu dhawaan ra’iisul wasaaraha magacaabay xilal cusub, halka kuwa horena uu buuxiyay kadib markii ay iska casileen masuuliyiintii hayay. Arbacadii ayey aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza uu Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka u magacaabay Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi. Waxaa kasii horeeyay Axmednur Sheekh Maxamed Loxos iyo Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Xamza u magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeys siyaasadeed, kaas oo sii xoogeystay kadib markii ay isa seegeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo kasoo jeedo. The post R/Wasaare Xamza oo maanta magacaabay xil cusub appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites