Deeq A. Posted November 17, 2024 Lima (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo Sabtidi shalay ku kumay magaalada Lima ee dalka Peru, ayaa ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada lagu maareynayo xafiiltanka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha. Labada masuul ayaa Lima uga qeybgalaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga ee Lima, Peru. Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ah “kan ugu muhiimsan” adduunka, ayuu yiri Biden, isaga oo ku nuux-nuuxsaday mas’uuliyadda labada hoggaamiye ee ah in aan loo oggolaan in tartanka uu galo colaad. “Wadahadalladani waxay ka hortagayaan xisaab-xumo,” ayuu Biden ka yiri kulanka. Wuxuu intaasi ku daray in “Afartii sano ee la soo dhaafay, ay xaqiijiyeen suurtagalnimada in xiriir la yeesho. Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa isna muujiyay dareen la mid ah, isaga oo sheegay in labada waddan “ay tahay in ay maskaxda ku hayaan danta adduunka oo dhan oo ay ku duraan hubanti iyo tamar wanaagsan oo dunidaan qalalaasaha badan. Shiinaha iyo Mareykanka ayaa hadda ah labada waddan ee ugu awoodda badan dhaqaalo ahaan iyo milatari ahaan dunida.The post Joe Biden iyo Xi Jinping oo ku kulmay dalka Peru appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites