Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Puntland oo su’aalo weydiiyay Wasiir Juxaa oo hortagay Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1731833322920.jpg?resize=720%2C55

Baarlamaanka Puntland oo Maanta yeeshay fadhigoodii caadiga ahaa ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka Arimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxaa.

Fadhiga oo looga gol lahaa la xisaabtanka Xukuumadda ayaa waxaa horyimid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda iyo saraakiil kale ee Wasaaradda.

Xildhibaannada Golaha ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka, Arrimaha dimuqraadiyeynta Puntland, Xuduudaha, Khilaafadka Beelaha, Tirada Xildhibaannada Goleyaasha deeganka, iyagoo dalbaday in la caddeeyo tallaabooyinka laga qaaday xal u helidda arrimahaasi. Waxa kale oo laga hadlay sidii loo mideyn lahaa qorshayaasha xasillinta iyo horumarinta dalka.

Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer u dul istaagay qaybinta miisaaniyadda degmooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in loo sinnaado qaybsiga khayraadka isla markaana si degdeg ah loo gaaro deegaannada aan weli helin adeegyada asaasiga ah.

Arrimaha dimuqraadiyeynta sidii loo dar-dargelin lahaa, wax ka baddelka xeerarka doorashooyinka  iyo Wax-ka-baddelka xeer ka mideynta cashuuraha Puntland.

Sidoo kale, xaaladda dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ahayd mowduuc muhiim ah oo laga hadlay. Xildhibaannadu waxay weydiiyeen Wasiirka istaraatiijiyadda Wasaaradda ee ku aaddan caawinta dadka nugul, iyadoo laga dalbaday in gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah loo fidiyo.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanada Puntland oo su’aalo weydiiyay Wasiir Juxaa oo hortagay Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this