Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Danmark kadib markii uu Somaliland dal ku tilmaamay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20241117_095653526.jpg?resize=100

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u yeertay safiirka dowladda Danmark u qaabilsan Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, kaasi oo ay ku eedaysay in uu ku xad-gudbay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya  Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladdu u yeertay safiirka Danmark, si wax looga weydiiyo xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed oo uu ku eedaysan yahay.

“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu Safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay Safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri Fiqi.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga digay safiirrada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya in ay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee dalka marka ay soo baxdo natiijada doorashada Somaliland, waxaana uu caddeeyay in Soo tilmaamay in Soomaaliya hal qaran oo la aqoonsan yahay.

“Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku sugan qaarkood waxay tageen Hargeysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeysay oo ku saabsan doorashada, Soomaaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysano” ayuu sii raaciyay wasiir Fiqi.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Danmark kadib markii uu Somaliland dal ku tilmaamay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this