SOO MAAL Posted June 14, 2005 Wasiirka Iskaashiga Gobolka JFS Ismaacil Max'ud Hure Buubaa Ayaa Khudbad ka Jeediyay Shirkii Wasiirada Arimaha Debeda ee Dalalka Shiinaha ay Bahwadaagta yihiin {Doha}14-June-2005 Wasiirka ayay Shaqadiisa ka mid tahay Xidhiidhinta Dawladaha Ay Soomaaliya Ururada ku wada jiraan, Sida..... Urur Goboleedka Igad, AU, Arab Leage, iyo ururka Islaamka. Diblomasigan oo aqoon sare u leh Arimaha Carabta ayaa Qudbad Dheer ka Jeediyay Shirka Gogol Xaadhka u ah Madax waynayaasha. In ka badan 100 Hogaamiye ayaa ku sii qulqulaaya Dalka yar ee Qadar, waxaana la Filayaa in uu maanta Gaardho Kofi Anan. Shirkan ayaa si Rasmi ah loogu Casumay M/waynaha JFS C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana laga yaabaa in ay Fursad wacan u tahay M/waynaha uu kula kulmo Madax Badan oo Caalamka ah, Halkii uu mid mid u Booqan lahaa, Waqtigan oo ay Dawladiisu Kharash la'aan la ildarantahay. Dawlada Shiinaha oo 15 Sano ee soo socda ku socota in ay aduunka Hogaamiso Dhinac Dhaqaale, Milatery iyo Dadkaba, ayaa Xoojinaysa Xidhiidha ay la Leedahay Dawladaha Caalamka. Quote Share this post Link to post Share on other sites