Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha iyo Mareykanka oo Peru uga hadlay hoos u dhigida xiisadda labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku kulmay magaalada Lima ee dalka Peru.

Labada hoggaamiye ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-hadallada lagu maareynayo xafiiltanka u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Labada masuul ayaa Lima uga qeybgalaya Shirweynaha Madasha Iskaashiga Dhaqaalaha Aasiya iyo Baasifigga ee Lima, Peru.

Xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ah “kan ugu muhiimsan” adduunka, ayuu yiri Biden, isaga oo ku nuux-nuuxsaday mas’uuliyadda labada hoggaamiye ee ah in aan loo oggolaan in tartanka uu galo colaad.

“Wadahadalladani waxay ka hortagayaan xisaab-xumo,” ayuu Biden ka yiri kulanka. Wuxuu intaasi ku daray in “Afartii sano ee la soo dhaafay, ay xaqiijiyeen suurtagalnimada in xiriir la yeesho.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa isna muujiyay dareen la mid ah, isaga oo sheegay in labada waddan “ay tahay in ay maskaxda ku hayaan danta adduunka oo dhan oo ay ku duraan hubanti iyo tamar wanaagsan oo dunidaan qalalaasaha badan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this