Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga falcelisay hab-dhaqanka danjireyaasha Shisheeye qaarkood ay ku kacaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan u dulqaadan doonin hab-dhaqanka Xad-gudubka ku ah madax-bannaanida dalka oo danjireyaasha shisheeyee qaarkood ay caadaysteen, ayadoo sheegtay inay tillaabo adag ka qaadi doonto safiir walba oo ku kaca fal dowladnimada iyo midnimada Soomaaliya wiiqaya.

Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka hadlay danjireyaasha reer galbeedka oo kor joogtayn u tagey doorashadii Soomaaliland ayaa sheegay in dublumaasiyiintaasi ay ku hadleen wax aan dowladnimada Soomaaliya u qalmin oo meel ka dhac weyn ku ah qaranimada dalka.

Wasiir Fiqi ayaa intaas ku daray in danjiraha dowladda Denmark ay u yeertay wasaaradda arrimaha dibeddu si wax looga weydiiyo hadal madax-bannaanida dalka dhaawacaya oo uu Hargeysa ka yiri, wuxuuna sheegay inaan cidna laga aqbalayn in safiirradu ay Soomaaliya siday doonaan ula dhaqmaan.

Inkastoo hadalkiisu uu ka caraysiiyay hoggaanka iyo waxgaradka Soomaaliland, ayna Xaasidnimo ku tilmaameen, haddana wuxuu sheegay in wixii khilaaf ah oo dowladda Federaalka iyo Soomaaliland u dhexeeyaahi ay Soomaalida keliya Quseeyaan.

Danjireyaasha dowladaha reer galbeedka qaarkood ayaa safarro aanay dowladda ku wargelin ku taga deegaanada qaar, ayagoo maamullada kula dhaqma hab aan madax-bannaanida dalka ku habboonayn, balse Soomaaliland ayay dalalka qaarkood si gaar ah ula dhaqmaan, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa horay u sheegay in aanay wixii hormar iyo guul ah ka hor istaagi doonin deegaanadaas.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in aanay u dulqaadan doonin hab-dhaqanka fowdada ah ee dublumaasiyiinta qaarkood ay caadaysteen, islamarkaana ay la xisaabtami doonto ciddii midnimada iyo qaranimada dalka dhaawacaysa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this