Sign in to follow this  
Deeq A.

War-saxaafadeed: Maamulka Jubaland oo Ka Hadlay Xeerarka Guddiga Doorashooyinka ee Baarlamaanka maanta meelmariyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Jubaland ayaa markale ku celiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta Dastuurka, qawaaniinta, iyo xeerarka dalka u yaalla. Jubaland waxay ku eedaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay ku tumatay Dastuurka iyo in aysan la tashan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ee ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee saamaynaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

War ka soo baxay Maamulka Jubaland ayaa lagu sheegay: “DFS waxay iska caadaysatay inay ku dhaqanto qaab aan waafaqsanayn dastuurka, iyadoo aan la tixgelin nidaamka Federaalka iyo wada-tashiga Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.”

Jubaland waxay caddeysay in aysan qayb ka ahayn, kana noqon doonin, xeerarka doorashooyinka ee ay Baarlamaanka Federaalka isku dayayaan in ay meel mariyaan iyada oo aan lagu heshiin. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in xubnaha Baarlamaanka ee ka socda Jubaland iyo Puntland aysan ka qeyb qaadan doodaha ku saabsan xeerarkan. Maamulka Jubaland ayaa tilmaamay in go’aanka Baarlamaanka ee maanta uu yahay mid sharci-darro ah, maadaama kooramkii dhameystiran aanu jireyn.

“Tallaabadan sharci-darrada ah ee uu Baarlamaanka qaaday, iyadoo ay socdeen dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad, waa muujin kale oo cadaynaysa in madaxda DFS aysan diyaar u ahayn wada-hadal, tanaasul, iyo is-ixtiraam ku wajahan ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri maamulka Jubaland.

Jubaland ayaa intaas ku dartay in dhaqanka noocan ah uu keeni karo hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase sii kordha, taas oo aan dan u ahayn xasilloonida iyo wadajirka dalka. Waxay DFS ugu baaqday in ay dib uga fekerto hab-dhaqanka ku wajahan arrimaha doorashooyinka, lana tixgeliyo muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.

“DFS waxay iska dhega-tiraysaa baaqyada iyo talooyinka ka imanaya siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed, taas oo caddayn u ah in ay daneynayaan fulinta qorshooyin aan loo dhammayn oo lagu marsiinayo labada Aqal ee Baarlamaanka.”

Maamulka Jubaland ayaa ugu dambeyntii ku booriyay DFS iyo dhammaan dhinacyada kale in ay ku dhaqmaan dariiqa wada-tashiga iyo isu-tanaasulka si loo gaaro xal siyaasadeed oo waara, loona dhowro dastuurka iyo sharciga dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this