General Duke Posted March 31, 2008 Guriga Wasiir SL oo Bam lagu weerarey 30 Mar 30, 2008 - 12:45:22 PM Bam kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa lagu weeraray guriga Wasiirka Wasaaradda xiriirka golayaasha ee Somaliland Cabdi Xasan Buuni oo ku yaalla galbeedka Magaalada Hargeysa, iyadoo qaraxaas uu ahaa mid xooggan sida uu qiray wasiirka laftiisa. Qaraxa lala begsaday guriga Wasiirka ayaa dhacay 12:00 habenimo ee xalay, waxana xilliga werarka uu dhacayo ku sugnaa guriga Wasiirka iyo sadex ka tirsan shaqalihiisa, iyadoo kooxihii falkaas geystayna ay markiiba baxsadeen. Mr. Buuni ayaa saxaafadda u sheegay inaysan jirin khasaare gaaray dadkii ku sugnaa guriga, balse uu bamku burbur gaarsiiyay, isagoo sheegay in guriga uu aad ula ruxmay. Wasiirka ma uusan sheegin cid uu ku tuhmayo inay ka dambeysan weerarka lagu qaaday gurigiisa, balse wuxuu sheegay inuu ka warsugayo Booliiska Somaliland oo markii uu qaraxu dhacay gaaray gurigiisa, isla markaana baaritaanno sameeyay. Taliyaha Boliiska Somaliland Gen. Maxamed Saqadi Dubbad ayaa sheegay in ciidanku ay u qabteen qaraxa lala beegsaday guriga wasiirka xiriirka golayaasha SL Mr. Buuni saddex nin ayna su'aalo ka weydiinayaan qaraxa bamkaan. Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax noocan oo kale ah lala begsado guri ay daggan yihiin madaxda Somaliland, waxaase sanadkii hore lala beegsaday qarax noocaan oo kale ah hoyga Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo sidoo kale guri u daganaa Madaxweynaha Somaliland intii uu ahaa Madaxweyne ku xigeenka. Qaraxyadas ayaan geysan wax dhibaatooyin ah, waxayse Booliiska Somaliland sheegeen in qaraxii xalay walxaha loo adeegsaday iyo kuwii horeba ay ahaayeen kuwo lagu sameeyay gacanta, oo aysan jirin cid ay weli u qabteen farsameynta walxahaas qaraxa sameeya. Garowe Online, Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites