Deeq A. Posted November 16, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka maanta ee labada Aqal ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xeerarka doorashooyinka oo uu ku howlan yahay Baarlamaanka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta xildhibaannada ay ka doodi doonaan akhrinta 3-aad iyo u codeynta xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka. Xubnaha Baarlamaanka ayaa goor sii horreysay loo diray farriin wargelin ah, si ay usoo xaadiraan kulanka maanta oo la filayo inuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale waxaa isla fadhiga maanta akhrinta 2aad lagu marin doonnaa xeerka ururada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalaya, si loo helo xeer qeexaya oo Baarlamaanku u codeeyay. Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka. Qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe. Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada uu qaado Baaralamaanka Soomaaliyeed oo leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu jiheynayo doorashooyinka soo socda ee dalka.The post Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee labada GOLE? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites