Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabad ku saabsan dhaarinta xubnaha golaha degaanka Godobjiraan oo saaka ka socota degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20241116_102815753.jpg?resize=822

Degmada Godobjiraan ee gobolka Nugaal, waxaa saaka oo Sabti ah ka socota munaasabad ku saabsan dhaarinta xubnaha golaha degaanka cusub ee degmadaasi.

Xubnaha golaha degaanka degmada Godobjiraan oo ka kooban 21 xubnood, islamarkaana ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee ka qabsoontay saddexda degmo ayaa saaka si rasmi ah u mari doona dhaarta dastuuriga ah.

Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi oo ka tirsan xisbiga xukuumadda Puntland ee Kaah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu markii labaad noqdo guddoomiyaha degmada Godobjiraan, isagoo haddaba xilkaasi haya.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Godobjiraan ayaa isna la filayaa in uu ku soo baxo Maxamed Axmed Saalax oo ka tirsan xisbi siyaasadeedka Mideeye, sida ku cad heshiis dhexmaray labadaasi xisbi ee Kaah iyo Mideeye 30 October 2024.

PUNTLAND POST

The post Munaasabad ku saabsan dhaarinta xubnaha golaha degaanka Godobjiraan oo saaka ka socota degmadaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this