General Duke Posted September 18, 2009 SHIIKH C/RAXMAAN IBRAAHIM MACOW: “Wixii qaladaad ah ee naga dhacay waqtigii aan Dowladda wada shaqeynta la laheyn Ilaah ayaan danbi dhaaf ka weydiisaneynaa” Jimco, 18, Sep, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo kulan Saxaafadda loogu talagalay ku qabtay Magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in wada hadalladii maalmihii ugu dambeeyay uu la lahaa Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay ahaayeen kuwo lagu Nabadeynayay Goballka Hiiraan. "Waad Aargtaan maanta meel Goballka ka mid ah oo ay xiisadi ka jirto malaha, sidaa daraadeed ujeedada wada hadallada aynu la laheyn Xoogagga Islaamiga ah waxaa ay ahayd oo kaliya kuwo Nabad lagu raadinayo" ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo sheegay in ay ka hortagi doonaan cid kasta oo wax u dhimi karta Nabadda la heysto. Dhinaca kale Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow waxaa uu sheegay in markii hore iyagoo ah Midowgga Maxkamadaha la bahoobeen Dowladda Soomaaliya haddana taageeradii kala laabteen, waxaana uu intaa ku daray in Dowladdu ku guuldareystay ololihii loo xilsaaray. "Haddii ay jiraan qaladaad naga dhacay waqtigii aynu wada shaqeynta la heyn Dowladda Soomaaliya Ilaah ayaan danbi dhaaf ka weydiisaneynaa, waxaana diyaar u nahay wixii waqtigan ka danbeeya in aynu ku Xukuntanno Kitaabka Alle" ayuu yiri Shiikh Macow. Sidoo kale waxaa uu intaas ku sii daray in wixii waqtigan ka dambeeya ay furan tahay Maxkamaddii Goballka isla markaana la saari doono cid kasta oo danbi gasha, gaar ahaan waxaa uu farriin gaar ah u diray kooxaha sida uu sheegay caadeystay in ay dhibaateeyaan dadka safarka ah. Hadalka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa muujinaya farqiga sii fogaanaya ee u dhaxeeya isaga iyo Saraakiisha Dowladda ee ku sugan Goballka Hiiraan kuwaas oo dhinacooda wacad ku maraya in ay tagi doonaan Magaalada Beledweyne, sida dhowr jeer oo horeba ay ku cel celiyeen Xildhibaan Max'ed Dhaqane Cilmi Aar iyo Gen, Muqtaar Xuseen Afrax. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites