Deeq A. Posted November 16 Ra’iisul Wasaarada dalka Holland Dick Schoof ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka badbaaday qalalaase siyaasadeed, kaddib marki ay Jimcihi shalay is casishay wasiirkii maaliyadda dalkaasi. Wasiirka is casishay ayaa ka carootay sababo la xiriira sida ay dowladda u maareysay rabshadihi ka dhashay taageerayaal dhinaca kubadda cagta oo isugu gacan qaaday magaalada Amesterdam todobaadki hore. Ra’iisulwasaare Dick Schoof ayaa xalay sheegay in golahiisa wasiirrada ay gaareen heshiis lagu soo afjaray xasaraddan, isla markaana ay iscasishay kaliyah Nura Ashahbar, lagana baaqsaday is casilaado kale. Ashahbar, ayaa u sababeysay is casilaadeedda hadallo todobaadkaan ka soo yeeray hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Holland Geert Wilders, kuwaas oo uu si cunsuriyadi ku dheehantahay ugu weeraray bulshada asal ahaan kasoo jeedda Morocco ee ku nool dalka Holland. Wilders ayaa Arbacadi ku eedeeyay dadka Morookaanka ah in ay ka danbeeyeen iskudhacyo dhex maray Isara’iiliyiin u badnaa taageerayaasha koox kubadda cagta ah oo ka socotay Isra’il iyo taageerayaal Muslimiinta Holland ah oo badankooda watay cimmaamadaha Falastiin. Wasiiradda Iscasishay, Nura Ashahbar ayaa hadalkaasi ku tilmaantay mid kala qeybinaya bulshada reer Holland, isla markaana dhaawac ku ah wadajirka, sidaasi daraadeedna aysan la shaqeyn karin dowladdaan wadaaga ah ee Holland. PUNTLAND POST The post Dowladda Nederland oo ka badbaaday qalalaase siyaasadeed appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites