Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Axmed maxamuud Siilaanyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Siilaanyo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamul dhiska, nabadeynta, iyo dimuquraadiyeynta Gobollada Waqooyi ee Somaliland, burburkii kadib, isaga oo kaalin hormuud ah ku lahaa billowgii wada xaajoodkii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this