Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Itoobiya oo ammaantay doorashadii ka qabsoontay Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa bogaadisay doorashooyinkii isku sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee ka qabsoontay Jamhuuriyadda Somaliland 13-kii November 2024 oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa bogaadisay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsaday doorashooyinka u dhacay sida nabadgelyada iyo Dimuqraaddiyadda ah.

Waxa kaloo wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya, ay ammaantay Guddida doorashooyinka Somaliland ee agaasimay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa dawladda Itoobiya sheegtay in doorashooyinkani ay ka turjumayaan qaan-gasdhnimada Somaliland iyo nidaamkeeda dimuqraaddiyadda

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this