Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Somalliland Axmed Siilaanyo oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

ALLE ha u naxariistee waxa caawa gurigiisa magaalada Hargeysa ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).

Wasiirku wuxuu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoyska iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweynaha Somaliland 2010kii ilaa 2017kii. Waxaanu ahaa madaxweynihii labaad ee lagu soo doortay cod iyo doorasho dimuqraadi ah.

Taariikhdiisa dib ayaanu idiinku soo gudbin doonaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this