Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo war deg deg ah ka soo saaray geerida Madaxweyne hore Siilaanyo

Recommended Posts

Deeq A.   
179fa9aa-53c3-472f-89a8-ea69cc586a7c.jpe

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeegidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Silaanyo ayaa sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa yiri, “Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Madaxweyne hore Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday Hargeysa ayaa maamulka Somaliland wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah la aasi doono meydkiisa.

The post Madaxweyne Xasan oo war deg deg ah ka soo saaray geerida Madaxweyne hore Siilaanyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this