Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
ac492a6e-63d0-4121-b998-1d15e06c2a90.jpe

Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed.

“Wasiirku wuxuu  Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), qoyska iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo,” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyey Telefishinka Somaliland.

Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo wuxuu ahaa madaxweynaha Somaliland sanadihii 2010-kii ilaa 2017-kii.

Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee lagu soo doortay codeyn dadweyne oo qof iyo cod ah, isla markaana lagu soo doortay si dimuqraadi ah.

Geerida Siilaanyo ayaa ku soo aadeysa iyadoo Somaliland ay ka socoto doorashada madaxtinimada maamulkaas oo si weyn isha loogu hayo.

Siilaanyo wuxuu kamid ahaa madaxdii sida dimuquraadiga ah ku soo hoggaamisay Somaliland, wuxuuna 7 sano ka hor xilka ku wareejiyey Muuse Biixi.

The post DEG DEG: Madaxweynihii hore ee Somaliland Siilaanyo oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this